Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, March 9, 2011

Dowladda Mareeykanka oo shaacisay in Muqdisho lagu dilay Abuu Mansuur Al Amriika

March 09, 2011  Dalkayaga@gmail.com
___________________________________________________________________________________
Telefishinka Fox News Channel ayaa waxaa uu shaaciyey in hay’addaha sirdoonka ee Maraykanka ay u sheegeen in la xaqiijiyay inuu magaalada muqdisho ku geeriyooday Al-Amriki oo saraakiisha Al-Shabab ka mid ahaa.



Sidoo kale wargeyska Long War Journal ayaa sheegay in Abuu Mansuur uu geeriyooday asagoo ka qeyb qaadanaya dagaal ay Al-Shababkula jirtay ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom. Waxaana uu Wargeysku intaa ku daray in geerida Abuu Mansuur ay u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda gaashaandhiga iyo nabad sugida Soomaaliya.

Wakaaladda Wararka ee AP oo fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa sheegtay in wasiirka gaashaandhiga DFKMGS C/raxman Max’ud Fiqi uu u xaqiijiyay inay dileen hogaamiyahaas la sheegay inuu Al-Qacida ka tirsanaa ee Soomaaliya ka dagaalami jiray.

Cumar Xabiib oo sidoo kalena loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Amriki oo ku dhashay gobolka Alabama ee dalka Maraykanka ayaa waxaa uu ku soo biiray kooxda mayalka adag ee Al-Shabab sanadkii 2007 xilligaasoo uu ka soo muuqday cajal muuqaal ah oo muujinayay dagaalyahano Shabab ah oo tababaranaya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Abuu Mansuur uu ahaa taliyaha ugu sareeya ciidamada u dagaalama Al-Shabab iyadoona uu ka mid ahaa tiro dagaalyahano aan Soomaali aheyn oo Soomaaliya ka dagaalama.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News