Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, March 10, 2011

Dagaal ka qarxay deegaano hoostaga Dhuusamareeb

March  10, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Dagaal u dhaxeeya kooxda Al Shabaab iyo kuwa Ahlu Sunna Waljmaaca ayaa la sheegay in uu ka qarxay deegaan hoostaga degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.


Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusamareeb, dagaal culus oo u dhaxeeyay kooxda adduku la xidhiidhiyo Alqaeda ee Al Shabaab iyo ciidamada Ahlu Sunna ayaa ka qarxay degaano hoostaga degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo kascoda deegaan lagu magacaabo God-dhuruwaa oo18-KM qiyaas ahaan dhinaca Bari kaga beegan degmada Dhuusamareeb ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca oo sida la sheegay taageero ka helaya ciidamada Ethiopian ah ay weerareen fariisimo Al Shabaab ay ku lahayeen deegaanka God-dhuruwaa.

Macadda qasaaraha dhabta ah ee dagalkaasi ka dhashay, hase ahaatee dagaalka ayaa ah mid wali socda, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay la badaasi dhinac.



Shabelle.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News