Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, March 25, 2011

Dad ka barakacay Beled Xaawo oo ay Dowladda Kenya dib u soo celisay (SAWIRRO)

Source: HOL
March 25, 2011  Dalkayaga@gmail.com
__________________________________________________________________________________
Jimco, March 25, 2011(HOL): Tan iyo markii qaxa iyo barakaca ay keeneen dagaalladda iyo abaartu ay la kulmeen shacabka deegaanka Beled Xaawo ayaa waxaa soo food saartay xaalad bani’aadannimo oo aad u xanuun badan.


Shacabkii ka qaxay Beled Xaawo waxaay qiyaastii ahaayeen 6000 oo qof waxaana la xaqiijiyay inaay magaaladda mandheera nafta ula baxsadeen.

Dagaalkii markuu joogsaday ayay dowladda Kenya gaar ahaan maamulka Mandera waxaa uu si qasab ah shacabkii barakacay oo aan haysan hooy badan dib ugu celsheen Balad Xaawo kaaga sii darane shacab qaxay oo haween iyo caruur u badan ayaan lagu daabulin gaadiid, waxaana lagu amray ina y socod ku tagaan halkii ay ka soo barakaceen.

Hay ada Socra oo ah hay’addii ugu horraysay ee Gargaar bini’aadannimo la gaartay shacabka Balad Xaawo ayaa waxaay ka war bixisay xaaladda dhabta ah ee shacabkii barakacay oo haddana la soo bara kacshay meesha ay haatan magaaladii aay ka qaxeen kaga sugan yihiin.


Madaxa Hay’adda ee Africa Cabdirisaaq Khaliif Ashkir ayaan qadka taleefonka kula xariiray asaga oo kusugan Balad Xaawo waxaana way diiyay xaalka meesha ka jirra asagoo hadalkiisii ku bilaabay.

“Waxaan kusoo aragney wax laga naxo, dadka baahidooda lama soo koobi karo, waxaa meeshas joogey dad  an kuqiyaasey 6000 kun oo qof oo u badan haween iyo caruur. Sidaas markan utagney ayaa  waxan lakulaney dadkii oo dagaalsan kana dacwoonaya iney ku laabtaan magaaladoodii, waxaan la kulanney DC Mandhera, wuxuuna noo sheegay in ay xarada ku haraayaan dadka Kenya u dhashey oo guryahooda wax ku soo gaaren Mandhera, kadibna waxaan bilownay Inaan caawino iney guryahoodii ay ku laabta”ayuu yiri C/risaaq Khaliif Ashkir oo intaas ku sii daray

“Xaqiiqdii waxaa nasiib darro nugu noqotay  sida dadka ay wax ugu baahnayeen inaan wax ugu qaban weyney.  Dad maato ah oo hal hay’ad wax tareysa aynan jirin shacab abaabulan oo dadkii dajinaya aysan jirin, Qiyaastii waxaa gubtey 45 guri, dadka waxay kasoo lugeeyeen xerada qaxootiga Mandhera ilaaBeled Xaawo , dhibaato xooggan oo xagga nolosha ah ayaana dadkan heysa”.

Madaxa Hay adda Socra ayaa baaq u diray Jaaliyadaha Gobolka u dhashay, si ay dadkaas dhibaateysan u gargaaraan, wuxuuna baaqiisa ahaa sidan
 
 1         Shacabka ku dhibaateysan Gobalka Gedo, gaar ahan baladxaawo waxaa iskugu darsoomay Abaar iyo Colaad, waxana kasaari kara Ilaahey subxaana watacaalaa ,laakin  Jaaliyaddaha gobolka u dhashay waxaan ugu baaqeynaa in ay dadkaas dhibaateysan u gurmadaan.

2              Ciddii daneyneysa Inaan usoo dirno DVD sida ay wax udhaceyn waan usoo direynaa.

3              waa in Jaaliyadaha meel kasta oo ay joogaan ay qeylo-dhaan gaarsiiyaan hay’adaha caalamiga ah ee deeqaha bixiya.

Ciiddii dooneysa in ay Dadkani dhibaateysan faahfaahin dheeraad ah ka ogaato waxay la xiriiri kartaa +254710999204, +254738596239 +442033725447 oo as local ah ama email socra_s@yahoo.com




0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News