Tuesday, March 8, 2011

Ciidamada Itoobiya ah oo dhaq-dhaqaaq militari kawada gobolka Galguduud

March  8, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhawaan soo gaaray degmada Dhuusa-mareeb ee goballka Galgaduud ayaa wararka soo baxaya waxaa ay sheegayaan in ay wadaan dhaq dhaqaaqyo dhinaca militariga ah, waxaana ciidamadaasi ku wehliya joogitaankooda goballka ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna oo dhawaan soo dhameystay tababar ay k soo qaateen dalka Itoobiya.


Sida ay ku waramayaan wariyaasha ku sugan goballka Galgaduud ciidamada Itoobiya ayaa habeenimadii xalay la arkayay iyaga oo wada dhaq dhaqaaq xoog leh, gaar ahaan waxaa ay sheegeen wariyayaashu in qaarkood oo ku hubeysan gadiidka dagaallka u dhaqaaqeen wadada Laamiga ah ee gasha degmada Ceelbuur oo ay ku xoog badan yihiin Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

Lama oga ilaa hadda halka dhab ahaan ay ku wajahan yihiin ciidamada Itoobiya iyo waliba kuwa Ahlu Sunna ee wada socda, hasse ahaatee warar hoose oo ay helayaan wariyayaasha jooga goballka ayaa ka hadllaya suurtagalnimada weerar ay ku qaadaan ciidamadani degmada Ceelbuur oo sidoo kale wararka ka soo baxaya sheegayaan in uu ka jiro abaabul dagaal iyo dhaq dhaqaaq ay wadaan xoogagga xarrakada Al-shabaab ee gacanta ku haya.

Dhinaca kale goballka Hiiraan ayaa siweyn looga dareemayaan saameynta ciidamadan Itoobiyaanka ah ee dhaq dhaqaaqa ka wada goballka Galgaduud, waxaana magaalada Beledweyne ka jirta fooginaan dheeraad ah iyo waliba abaabul ciidan oo ay wadaan xoogagga gacanta ku haya, halka shacab-kuna u dhigtaagayo waxa ugu danbeytii ka soo bixi kara ruq ruqaansiga ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlu Sunna.

 
 
 
 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News