Saturday, March 19, 2011

Banaanbax balaadhan oo ka dhacay wadanka Suuriya ayaa isu rogey mid rabshado wata

Madaxweynaha wadankasi suuriya Bashaar alasad waxaa uu xisbiga uu ka tirsan yahay uu dalkasi maamulayaa muddo ku dhow 50 sanno waxaana uu bashaar xilkan qabtay sannadkii 2000 oo uu abahiis geeriyoda.

Ururada u dhaqdhaqa arimaha Xuquuqda aadanaha waxaa ay shegeen in Dibad baxyada Dalkasi lagu dilay Afar qof oo ka mid ahaa dadka dibad baxayda dhigayay

Wakalada wararka ee Dalkaasi Suuriya ee ka yiraahdo SANA ayaa waxa ay sheegtay in dadka dibad baxay sameynayay ay ahayeen qaswadayaal Doonayay inay Amniga wax u dhimaan islamarkasina Ciidamada amaanka Amar lagu siiyay Inay ka hortgan falalka caynkaasi oo kale ah.

Wakaalada ayaa sidoo kale xustay in qalalaasaha ay sameyeen dibad baxayaasha inay ku luntay Hanti dad rayid ah ay lahaayeen iyo sidoo kale qasaare soo gaaray gobo dad shacab ah ay leeyihiin

Dibad baxyada ruxaya qaar badan oo ka mid ah dalalka carabta ayaa ah kuwo maalinba maalinta ka danbeysa isa soo taraya waxaana sidoo kale siii kordhaya qasaaraha Dadka Rayidka ah ka soo gaaraya Dibad baxyada

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News