Contact Form

Name

Email *

Message *

Saturday, March 19, 2011

Ahlu sunna oo maxakamad soo taageysa Qar kamid ah Xubnaha Maamulka lagu magcabo Gobolada dhexe

  Ahlu sunna Wal jamaaca ayaa sheegay in ay maxkamad soo taagayaan Qaar kamid ah saraakiil ka tirsan maamul Goboleed loo magacaabay Gobolda dhexe si qarsoodi ah ku tagay deegaanadaasi.

Gudoomiyaha Madaxa arimaha bulshada ee maamulka ahlu sunna ee Degmada Cabud-waaq sheekh Mahad Khaliin Rooble ayaa warbaahinta u sheegay in Xabsiga ay dhigeen in ka badan ilaa sadex Ruux oo ka mid ah maamul la magacbaxay Somali Central State oo looga dhawaaqay dalka dibadiisa.

sheekh Mahad Khaliin ayaa sheegay in Maxakamad la soo taagi doono dadka ka tirsan maamulkaasi oo si qarsoodi ah ku soo galay deegaanada ay ka taliyaan ahlu sunna si ay uga hirgaliyaan maamulkooda.

Mahad ayaa sheegay in ay u xil saareen gudi ka tirsan garsoorka maamulka ahlu sunna si loo saaro maxkamad dadka ka mid ah maamul lagu dhisay dalka dibadiisa oo gobolada dhexe loo soo magacaabay.

Xariga ragaani ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa xili la sheegay in madaxweynaha maamulka Somali Central State lagu xiray dalka itoobiya iyadoo sadex xubina ay xireen maamulka ahlu sunna waljamaca.


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News