Monday, February 7, 2011

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo shuruud ku xidhay wada-hadal ay la yeeshaan Dawladda Federaalka

February 7, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay ka goán tahay xasilinta iyo dib-u-soo-celinta nabaddii Koonfurta Soomaaliya, hase ahaatee , aanay diyaar u ahayn in ay wada-hadal iyo iskaashi la yeelato Dawladda Federaalka ah.


Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilahai Cumar oo isaga oo ku sugan magaalada Addis-Ababa ee Itoobiya u waramay Shabakadda Wararka ee Ezega.com, ayaa sheegay in ay wada-hadal la geli doonaan xukuumad ahaan dawlad shaqaynaysa oo ka dhalata Soomaaliya, waa sida uu hadalka u yidhiye, “Waxaanu jecelnahay in aanu la hadalno Soomaaliya marka ay ka dhalato Dawlad sharci ah, lala xisaabtami karo, isla markaana masuuliyad qaadday, taas oo aanu ka wada-hadli doono sidii aanu u wada noolaan lahayn anaga oo is-barbar naalla oo kala ah laba dal oo kala madax bannaan. Inta wakhtigaas ka horraysa, ma jiro qorshe wada-hadal, balse waxaanu ku dhiirigelinaynaa in ay nabad abuuraan,”ayuu yidhi Wasiirka oo si gaar ah ugu waramay Ezega.com.


Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay inay Xukuumadda Somaliland Beesha Caalamka ka taageerayso dedaallada lagu soo af-jarayo colaadaha Soomaaliya, colaadahaas oo uu sheegay inay saamayn ku yeelan karaan Somaliland. “Xasillooni-darrada Somaaliya ka jirtaa waxay galaafatay nolosha dad badan oo aan waxba galabsan, waxa kale oo ay sababtay in ay fakhriyaan Malaayiin qof..Sidaa darted, Somaliland waxay jeceshay inay aragto colaaddaa raagtay oo nabad laga gaadho,”ayuu yidhi Wasiirku.

 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News