Thursday, February 24, 2011

Tahriibayaal Soomaali ah oo ku dhintay xeebaha dalka Yemen

February 24, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Soomaali badan oo ka cararay dhibaatooyinka ka jira wadanka Soomaaliya ayaa waxaa ay ku geeriyoodeen xeebaha dalka Yemen xili ay doonayeen in dalkaasi ay ku galaan qaab tahriiba ah.


Sida ay sheegayaan wararka laga helayo dalka Yemen, in kabadan 49-ruux Tahriiyabayaal Soomaali ah oo ka cararay dalka Soomaaliya ay ku geeriyooday xalay xeebaha dalka Yemen kadib markii ay la qalibmatay dooni ay saarnaayeen.

Wakaaladda wararka ee dalka Yemen ayaa sheegtay in dadkaasi ay ku geeriyoodeen xeebta gobolka Shabwa ee dalkaasi, waxaana doontaasi ay qalibmatay xili ay ku dhawayd magaalada Cadan ee dalka Yemen.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arimaha gudaha ee dalka Yemen ayaa sheegay in aan la’ogayn sababata rasmiga ah ee ka dambeesay arintaasi, iyadoo warar kasoo baxaya dalkaasi ay sheegeen in doontaasi ay gadisay dawaylaha xoogan ee ka jira badda.

Inta badan Soomaalida u tahriibta dalka Yemen ayaa waxaa ay ku geeriyoodaan biyaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen iyagoo mararka qaar dhibaatooyin kala duwan kala kulma naaquudayaasha iska leh doonta ay ku tahriibayaan.

 
 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News