Saturday, February 19, 2011

Sheik Shariiif oo ka aarsaday Maxamed Dheere+Sawiro

Gudoomiyahii hore ee gobolka Banadir Maxamed Dheere ayaa markii ugu horeeysay Ciidamadda AMISOM waxay ku wareejiyeen Ciidanka nabadsugida dowladda isagoo labada gacmood ka katiinadeeysan.

Maxamed Dheere oo lagu siday gaari Landcruiser ah ayaa laga soo dejiyay kadibna waxaa loo dhaadhiciyay Xarunta nabadsugida oo la xaqiijiyay in caawa jirdil xun loogu geystay.
"Si xun ayaa loo garaacayay,waxaa loo adeegsanayay koronto lagu qabanayay jirkiisa,wuxuu dhex fadhiyay qol yar oo shumac dhexyaal,isagana wuxuu watay surwaal,waxay ka siibeen shaatigii uu dusha ka sitay"ayuu yiri Wariye ka tirsan Waagacusub oo qaab qarsoodiya ku galay xarunta nabadsugida.

Amarka lagu xiray Maxamed Dheere ayaa la sheegay inuu bixiyay Shiek  Shaariif Axmed oo la rumeeysan yahay inuu ka aargoosanaya ciilkii uu ka qaaday lugtii uu kaga baxay Jowhar mudo laga joogo 8 sano.
Madaxweyne Shariif wuxuu sanadkii 2004 ahaa Xoghayahii Garsoorka iyo Cadaaladda ee Maamulkii Maxamed Dheere Jowhar laakiin mar uu ka soo laabtay Seminaar uu kaga qeybgalay Hargeysa ayuu Maxamed Dheere amar ku siiyay Ciidamadiisa inay Shariif Axmed Xiraan kuna tuuraan meel ka baxsan degaanada Maamulka.

Maleeshiyadii xilligaas ee Maxamed Dheere ayaa Shariif Sheekh Axmed ku tuuray duleedka degmadda Balcad ee gobolka Shabeeladda dhexe isagoo labada gacmood ka xiran,taas oo ku qasabtay inuu lug ku tago Balcad.
Si kastaba ha ahaatee Shikh Shariiif ayaa Maxamed Dheere ku eedeeyay inuu ka dambeeyay banaanbaxayaal lagu xasuuqay hasse yeeshee xeeldheerayaashu waxay qabaan in sheekadu tahay aargoosi.

Waagcusubmedia
 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News