Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, February 25, 2011

Shariif Xasan: “Lagama laabanayo go’aankii barlamanka”

February 25, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dib ay ugu celiyeen Shekh Sharif warqad qoraal ah oo kasoo gaartay taasoo uu ku dalbanayay in laga noqdo go’aankii barlamanka uu waqtiga ku kororsaday.


Shariif Xasan waxaa uu sheegay in warqad jawaab ah ay u direen Shekh Sharif isalmarkaana uu ku cadaynayo in go’aanka barlamanka aan laga noqonayn oo uu yahay mid sharci ah oo Dastuurk waafaqsan.

Gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in go’aanka barlamanka aan laga noqon karin islamarkaana Mudanaaysha barlamanka ay isku raaceen sida uu hadalka u dhigay.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la tilmaamay in saacadaha soo aad uu u amba baxayo maagalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya halkaasi oo la sheegay in uu kula kulmayo dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan beesha Caalamka.

Shabeele




0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News