Monday, February 7, 2011

Puntland: falalka amni dari waxaa gaysta dadka kasoo jeeda Puntland

February 7, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa uu ku eedeeyay dadka falalka amni daro ka gaysta magaaladaasi inay kasoo jeedaan isla gobolkaasi Mudug.


Kadib markii mudooyinkii u dambeeyay dhinaca Woqooyi ee magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ay ka dhacayeen dilal iyo qaraxyo loo gaysanayay Mas’uuliyiinta gobolka Mudug ee Puntland ayaa falalkaasi waxaa si kulul uga hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Maamul goboleedka Puntland Axmed Cali Salaad Faarax oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in dilalka qorshaysan iyo qaraxyada magaalada Gaalkacyo inay fulinayaan dad kasoo jeeda magaalada Puntland kuwaasi oo uu tilmamaay inay ka amar qaataan kuwo uu tilmaamay inay ka dagaalamaan Koofurta dalka Soomaaliya

Axmed Cali Salaad Faarax ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee dhawaan laga eryay deegaanka Garacad ee gobolka Mudug, isagoo sheegay in arintaasi ay ku timid kadib markii ay ku baaqeen in kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay deegaanadaasi faarujiyaan, isago ugu baaqay kooxaha burcad badeeda iyana kusugan gudaha magaalada Gaalkacyo dhinaceeda Woqooyi ay ugu baaqayaan in si deg deg ah ay uga baxaan magaaladaasi.

Hadalka kasoo yeeray gudoomiyaha gobolka Mudug ee Mamaulka Puntland ayaa kusoo beegmaya xili inta badan qaraxyad ka dhaca deegaanada Puntland iyo magaalada Gaalkacyo ay ku eedeynayeen inay ka dambeeyaan dad kasoo jeeda gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya.

  
Source: Shabeele

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News