Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, February 2, 2011

Mudaaharaadayaasha Masar oo diiday balan qaadki Mubarak oo ahaa in uusan isa soo taagi doonin doorashada soo aadan

February 2, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Mudaaharaadayaasha dalka Masar ayaa diiday qudabad uu xalay jeediyey oo uu ku sheegay in uusan isu soo taagi doonin doorashooyinka madaxtinimo ee dhici doonto bisha September.


Madaxweyne Mohamed Hosni Mubarak ayaa balan qaaday in uu xafiiska ka tagi doono marka la gaaro doorashooyinka soo aadan, isaga oo intaasi raaciyey in uu wax ka badali doono tastuurka.

Boqolaal kun oo ruux ayaa isugu soo aruuray dhamaan magaalooyinka wadanka iyaga oo halkoodii kasii wado mudaaharaadka maalintii sideedaad, waxaana ay iska dhaga tireen balan qaadka madaxweynaha.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama oo bayaan uu soo saaray kaga hadlay Masar ayaa sheegay in in ay ku farxi lahaayeen hadii Masar ay weydiisato in ay gacan siiso waqtiga kala guurka.

Mudaaharaadayaasha oo si aad ah ugu badan halka lagu magacaabo Tahrir Square ee magaalada Cairo, waxaana ay ku qeylinayaan erayo ka dhan ah maraxweyne Mubaarak.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dalka Masar ay ku dhinteen ilaa iyo 300 oo ruux tan iyo inti ay biloowdeen mudaaharaadka todobaadki hore.
 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News