Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, February 24, 2011

Midowga Yurub oo ka hadlay dagaallada Buuhoodle

February 24, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Midowga Yurub ayaa bayaan uu ka soo saaray dagaalladii ka dhacay Buuhoodle iyo Laascaanood wuxuu ku sheegay inay isku dhacyadaasi dhaawacayaan amniga yio xasiloonnida ka jirta deegaannada ay maamulaan Somaliland iyo Puntland.


Bayaanka ayaa loogu sheegay dhinacyada uu dagaalku u dhaxeeyo inay is xakameeyaan, si xaaladda loo dejiyo, xal nabadeedna loogu raadiyo khilaafka jira.

Midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyay colaadahaasi, oo uu sheegay inay curyaaminayaan dadaallada horumarineed ee ay wadaan dadka ku nool deegaannada Somaliland iyo Puntland oo bayaanka lagu sheegay inay Midowga Yurub ka go’an tahay inuu gacan siiyo.

 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News