Tuesday, February 1, 2011

Magacyada & Qabiilada Rag Burcadbadeed Ah Oo Ciidanka India Ay Dileen & Kuwo Ay Qabteen

RBC
February 01, 2011
Dalkayaga@gmail.com
__________________________________________________________________________________
Ciidanka Badda ee dalka India ayaa burburiyey dooni nooca weyn ah oo ay wateen koox burcad badeed ah, waxaana halkaasi ku geeriyoodey ilaa iyo 10 burcadbadeed ah iyadoo nolol lagu qabtey 15 burcada ka mid ah oo qaarkood dhaawacan yihiin.



Kooxda burcadbadeeda ayaa la sheegay in ay ka baxeen xeebaha deegaanka Garacad, iyagoo tiro ahaan gaaraya 25 ruux, kuwaasi oo dhamaantood ka soo jeeda gobolka Mudug.

Burcad badeeda ayaa watey dooni kaluumeysi oo laga leeyahay dalka Thailand, waxaana qorshahoodu ahaa in ay ku soo qabsadaan maraakiib kale oo ay madax furasho ka qaataan, waxaana ugu dambeyntii ay isku dhaceen ciidamada ilaalada xeebaha dalka India oo saaran markab ciidan, waxaana dhexmaray iska hor imaad sababay in la burburiyo doonidii ay wateen burcadbadeeda.

Faysal Ciribey oo u dhashay dalka Soomaaliya isla markaana jooga magaalada Mombai ee caasimada Dalka India oo booqday goob ay ku xareysan yihiin ragga burcadbadeeda ah ayaa sheegay in burcada laga dilay 10 ruux, lagana qabtey 15 qaarkood dhaawacan yihiin, waxaa uuna intaa ku daray in lagu hayo baaritaano la xiriira fal dambiyeedka lagu soo qabtey.

Faysal ayaa soo gudbiyey Liiska Magacyada ragga burcadbadeeda ah ee la dilay iyo kuwa la qabtey waxayna kala ahaayeen sidatan:

Ragga dhintay waa:

1. Shugri Hargayto     Reer Khalaf

2. Farxaan Karahaye   Reer Khalaf


3. Maxamed Kucayile  Reer Khalaf

4. Dhooke Cumar       Reer Khalaf

5. C/xakiim Gorod      Reer Khalaf

6. Shaatiguduud         Reer Khalaf

7. Abaar Cabdi Bayre  Reer C/lle Faarax

8. Cabdi Mahad Jaamac Dhinbil  Reer Sharma’arke Shirwac

9. Killer Faarax Silig    Maxamed Cumar

10. C/qaadir Cabdi Talyaani  Ibraahim Cumar

Ragga Nolosha Lagu Hayo.

1. Axmed Cabdi Xasan   Isaaq/Hooyadiis Waa Reer Khalaf

2. Cismaan Salaad Ciid (Dhegaweyne) Habaskuul (Xusay in Dashiishle garanayaan, balse aan cadeyn wuxuu la wadaago)

3. Khaliif Faarax Aadan     Maxamed Cumar

4. C/risaaq Bashiir Hilowle  Bah Habaskuul

5. Xabiib Maxamuud Saalax  Cali Saleebaan

6. Maxamed Cabdi Maxamed         Ciise Maxamuud

7. Maxamed C/laahi                        Dir

8. Aweys Cartan Maxamed     Amaanle

9. Maxamed Cali Maxamed   Geri-koombe

10. Maxamed C/laahi Barre   Maxamed Cumar

11. Bashiir Cumar Maxamed  Dubeys/Warsangeli

12. Faarax Jaamac Faarax   Amaanle

13. Abshir Cabdi Xuseen     Amaanle

14. Yaasiin Jaamac Diiriye  Reer Warsame Faarax

15. Raage Milatari             Reer Khalaf

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News