Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, February 3, 2011

Madaxweynihii hore ee Ghana oo Soomaalida u soo jeediyay inay hor kacaan nabadda

Bar-Kulan

February 3, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Madax weynihii hore ee dalka Ghana Jerry Rawlings, oo haatan loo magacaabay wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaalida u soo jeediyay inay safka hore ka galaan, kana qeyb qaataan dedaallada nabadda loogu raadinayo.

Rawlings ayaa sheegay inay muhiim tahay in shacabka Soomaalida la siiyo fursad weyn oo ay ugu qeyb qaataan nabadeynta dalka, mar walbana la xusuusiyo in waddaniyad la’aanteed aan dalka laga badbaadin karin dhibaatada uu ku jiro.

Rawlings oo axaddii ka qeyb galay kulankii waddamada urur goboleedka IGAD ayaa codsaday in IGAD lagu taageero dedaallada ay kaga qeyb qadanayaan nabad u raadinta Soomaaliya, isagoo ku dhiirigeliyay IGADna in ay dedaalkooda oo dhan isugu geeyaan sidii ay u qaboonjin lahaayeen rabshadaha ka jira Soomaaliya.

Jery Rawlings, oo ah madaxweynihii hore ee dalka Ghana, ayaa Midowga Afrika waxay u wakiisheen Soomaaliya, waxaana uu xoogga saari doonaa nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, isagoo si toos ah ula shaqeyn doona dowladda KMG ee Soomaaliya.
 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News