Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, February 2, 2011

Madaxweyne Gelle “Somalia ciidamo uma direyno laakiin ciidamadooda ayaan u tababereynaa”

February 2, 2011 Dalkayaga@gmail.com


M/weynaha wadanka Jibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele oo u waramayay wakaaladda wararka Q,M ee Irin ayaa sheegay inasan dawladiisu aysan Somalia ciidamo u soo direyn hase ahaatee ay u soo dirayaan qubaro dhinaca ciidamada ah oo tababaro siiya ciidamada dawlada KMGS.


M/weyne Geele waxaa uu sheegay in dawladiisu ay ka walaacan tahay xaaladda Somalia ee xilligaan waxaana uu sheegay inay dhawr jeer dadaaloi u galeen xal u helida arimaha Somalia taasoo uu sheegay inay adkaatay inay miro dhal noqoto.

M/weynuhu waxaa uu wareysigiisa ku sheegay in haatan qorshahoodu aheyn inay ciidamo Somalia u soo diraan hase ahaatee ay Somalia ku caawinayaan tababarayaal Military oo tababaro siiya ciidamada Somalia.

“Hadda qorshaheenu ma aha inaan ciidamo Somalia u dirno laakiin waxaan walaalaheen Somalia ku caawineynaa qubaro ciidamada u tababara”ayuu yiri M/weynaha dalka Jibouti Ismaciil Cumar Geelle waxaana uu intaa ku daray oo uu ugu baaqay dhinacyada Somalia iku haya inay isku tanaasulaan oo ay danta shacabka ka fekeraan.

M/weynaha jibouti waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday xaaladaha abaaraha ee Somalia ka jira waxana uu caalamka ugu baaqay inay gurmad deg deg ah u fidiyaan dadka ay abaaruhu saameeyeen ee Somalia ku nool.

Hadalka madaxweynaha Jibouti ayaa imaanaya xilli ururka midawga Africa uu wado qorshe uu Somalia ugu soo dirayo 4,000 oo askari kuwaasoo lagu xoojinayo ciidamada AMISOM ee Muqdisho jooga.

SOurce: SWM

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News