Tuesday, February 22, 2011

Madaxweyne Faroole oo gaaray dalka Itoobiya iyo kulamo lagu wado inuu la yeesho madaxda dalkaasi

February 22, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Madaxweyne C/raxmaan Xaaji Maxamuud Faroole iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana socdaalka Madaxweynaha la sheegayaa inuu ku saabsan yahay martiqaad uu ka helay Dowladda Itoobiya, isagoo maanta kulamo kala duwan la yeelanaya madaxda Dowladda Itoobiya.


Wararka waxay sheegayaan in Madaxweyne Faroole uu maanta la kulmayo madaxda Dowladda Itoobiya oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha dibadda iyo Wasiiro kale, kuwaasi oo la sheegay inay ka wadahadli doonaan arrimaha Soomaaliya iyo sidii loo dhameyn lahaa khilaafka maamulka Puntland iyo Dowladda KMG ah soo kala dhex galay.

Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Puntland waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya xubno ka tirsan golayaasha Puntland, waxaana warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in Dowladda Itoobiya ay dadaal ugu jirto sidii loo soo afjari lahaa khilaafka soo kala dhex galay Dowladda KMG ah iyo maamul goboleedka Puntland.

Ma aha markii ugu horeysay oo Dowladda Itoobiya ay dhexdhexaadiso dhinacyada Soomaaliya siyaasadeed isku haya, hase yeeshee lama oga sida ay xilligan ugu guuleysan karto qeybaha Soomaalida iyo maamulada ka jira xilligaan.

 
 

SWM

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News