Saturday, February 19, 2011

Madaxweynaha Uganda: “Dadka Bakaara Jooga ma ahan Shacab ee waa dad taageersan Al-Shabaab, Ciidamadeenana ma duqeeyaan goobaha Shacabka degan yahay.."

February 18, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Yuweri Musaveni ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee Uganda ka mid tahay inaysan wax madaafiic ah ku ridin goobaha shacabku dagan yahay ee magaalada Muqdisho, wuxuuna wax kama jiraan ku tilmaamay inay shacabka madaafiic ku ridaan Ciidamada Uganda.


Madaxweyaha Uganda waxa uu sheegay in goobaha ay duqeeyaan Ciidamadooda ay tahay goobaha Al-Shabaabku degen yahay waxaana mar wax laga weydiiyay sida uu arko madaafiicda dadka badan ku waxyeeleysa gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha.

“Dadka Bakaara Jooga ma ahan Shacab ee waa dad taageersan Al-Shabaab” ayuu Yuweri Musaveni Madaxweynaha Uganda oo sheegay in deegaanada ay ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga duqeeyaan goobaha ay degen yihiin kooxda argagaxisada ee Al-Shabab ee la dagaalama ciidamada AMISOM.

Musavani waxaa uu sheegay inay waxba kama jiraan tahay eedeymaha loo jeediyo ciidamadiisa Soomaaliya jooga waxaana uu intaa ku daray Al-Shabab ay madaafiic ku ridaan xarumaha ciidamada kadibna ay cararaan sida uu hadalka u dhigay.

Yuweri Musavani waxaa uu hadalkiisa ku soo qaaday oo oo tilmaamay in ciidamada Soomaaliya ka jooga Midawga Africa ay ku hawl galaan amarka midawga Africa isla markaana ay taageeraan dawlada KMG ah ee Soomaaliya waxaana uu intaa ku daray in howl galada ciidamada AMISOM Soomaliya ka wadaan ay yihiin kuwa amaanka dalka lagu xoojinayo waxaana uu hoosta ka xariiqay inay qorsheynayaan in la kordhiyo ciidamada m,midawga Africa.

MadaxweynahaUganda oo sidoo kale wax laga weydiiyay arrimaha muushaaraadka ciidamada dawlada KMGS iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa uu tilmaamay in ciidamada labada dhinacba ay helaan dhaqaalaha loogu tala galay waxaana uu xusay inuu aaminsan yahay in haatan ciidamo fara badan oo kuwa dawlada ka tirsan ay mushaaraadkooda qaateen inta kalena ay qaadan doonaan.

Madaxweynaha Uganda oo ka hadlaayay xilliga u ciidamadiisa Soomaaliya kala soo baxayo ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Uganda ay Somaaliya ka baxayaan marka ay amar ka helaan midawga Africa oo amarkiisa ku joogaan.

 
 
 Source: SWM

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News