Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, February 1, 2011

Laas-caanood: Rabshado ay dad ku dhinteen

Bar-kulna

February 1, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Lab qof oo rayid ah ayaa dhimatay 2 ka tirsan ciidamada booliska ee Somaliland way dhaawacmeen kaddib markii dibadbaxyo rabshado wata ay ka dhaceen magaalada Laasacaanood ee gobolka Sool.


Dad careysan oo isku soo baxay ayaa gubay gaari ay lahaayeen ciidamada booliska ee gobolka Sool, waxayna ku dhawaqayeen erayo ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin dagaalladii dhawaan ka dhacay deegaanka Kalshaalle.

Taliyaha ciidanka booliska ee gobolka Sool Xariir Cilmi Guutaale ayaa Bar-kulan u sheegay in dadka dhintay ay ka mid ahaayeen dibadbaxayaasha, isagoo tilmaamay inay gacanta ku hayaan qaar tirsan dadkii mudaaharaadka sameynayay.

Deegaanka Kalshaale oo ka tirsan gobolka Sool, ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo maleeshiyo beeleed, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
 
 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News