Thursday, February 24, 2011

Kenya Oo Xirtay Dhaqdhaqaaqii Xuduudka B/xaawo

February 24, 2011 Dalkayaga@gmail.com
__________________________________________________________________
Dowladda Kenya ayaa xirtay xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya gaar ahaan degmada B/xaawo ee gobolka Gedo maanta oo Khamiis ah, sida uu sheegay sarkaalka ugu sarreeya booliiska gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya Leo Nyongesa.

Taliyaha Boliiska Waqooyi-Bari ee Kenya ayaa xusay inay xoojiyeen ammaanka xuduudda si aysan u dhicin in dagaalka uu u soo gudbo dalkooda, sidoo kalena ay khasaare kasoo gaarto shacabka Kenya.

"Ciidamo badan oo kuwa ammaanka ah ayaa la geeyay xuduudda, waxaan sidoo kale geynay saraakiil dhinaca maamulka ah," ayuu yiri Leo. Sarkaalku wuxuu sheegay in tallaabadan ay u qaadeen markii uu shalay tiro madfac ah ku dhacay meel ku dhow Isbitaalka degmada Mandheera.

"Ma jirto cid wax u noqotay qaraxa madfiicdaasi ka dhashay," ayuu yiri Leo oo sheegay in madfacaas uu ka yimid degmada Baladxaawo ee Soomaaliya oo ay dagaallo ku dhexmarayeen Maleeshiyaadka  argagaxisada xiriirka la leh ee AlShababka iyo Ciidamada Ahlusunna.

Sarkaalkan wuxuu sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay Baladxaawo oo ku dhow xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ay sababeen inay afar qof oo Keenyaati ah kasoo gaaraan dhaawacyo, kuwaasoo lagu daweynayo isbitaalka degmada Mandheera oo ku dhow xuduudda.

"Afarta qof ee nooga dhaawacmay rasaasta dagaalladii shalay ka dhacay Balad-xaawo waxay isugu jireen laba qof oo shacab ah iyo laba askari, waxaana askarta maanta loo duuliyay Nairobi si loogu daweeyo," ayuu yiri taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-Bari ee Kenya.

Taliyuhu wuxuu sheegay in xuduudda agagaarkeeda lagu arkayo Maleeshiyaad kooxda Shabaabka ka tirsan oo aad u hubeysan, kuwaasoo shalay dagaal la galay ciidamo taabacsanx oogaga Ahlusunna ka tirsan.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News