Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, February 28, 2011

Kenya oo ciidamo badan soo dhoobtay xadka Mandheera iyo B/Xaawo

February 28, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Dowladda dalka Kenya ayaa ciidamo farabadan oo militari ah saacadihii la soo dhaafay soo dhoobtay xadka kala qeybiya Magaalooyinka Mandheera iyo Balad Xaawo waxyar uun kadib markii Al Shabaab ay hanjabaad u jeediyeen dowladda Kenya.


Wararka laga helayo xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in dowladda Kenya ay sii adkeysa amaanka xadka kala qebiya Magaalooyinka Mandheera iyo Balad Xaawo halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka jireen dagaalo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa kooxda argagilxisa da ah ee Al Shabaab.

Ciidamo farabadan oo Kenyaati ah ayaa la soo dhoobay xadka u dhaxeeya Magaalooyinka Balad Xaawo iyo Mandheera kuwaasi oo dadka isaga gudbi jiray labadaasi magaalo iska hortaagay in ay isticmaalaan xadka labada Magaalo, waxaana sidoo kale ciidamada Kenya ay Magaalada Mandheera ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Inkastoo aysan aheeyn markii ugu horeysay oo ciidamada Kenya ay xiraan xadka kala qeybiya Balad Xaawo iyo Mandheera ayaa hadana arintaani waxa ay saameyn badan ku yeelatay qoysas horay uga barakacay dagaaladii ka dhacay Magaalada Balad Xaawo oo gabaad u raadsaday Mandheera islamarkaana doonayay in ay dib ugu soo laabtaan degmada Balad Xaawo.

Talaabada dowladda Kenya ay ciidamadeeda ku soo dhoobtay xadka u dhaxeeya Mandheera iyo Balad Xaawo ayaa imaanaysa xili shalay kooxaha Al Shabaab ay dowladda Kenya ku eedeysay inay ku lug laheyd dagaaladii ka dhacay degmada Balad Xaawo islamarkaana ay ku hanjabeen in ay weerari doonaan dalka Kenya.

 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News