Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, February 9, 2011

Gudoomiyihii Degmada Galgala ee Puntland oo la toogtay.

February 09, 2011  Dalkayaga@gmail.com
________________________________________________________________________________
Koox hubaysan ayaa maanta ku toogtay gudoomiyhii maamulka Puntland ee degmada Galgala gudaha magaalada Boosaaso.



Mas’uulkan ka tirsanaa maamulka Puntland ee la toogtay waxaa lagu magacaabaa Cali Maxamed Gurxan, wuxuuna u geeriyooday rasaas madaxa lagaga dhuftay isagoo ku sugan gudaha magaalada Boosaaso maanta.
Cali Maxamed Gurxan ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa uu ku sugnaa magaalada Boosaaso, isagoo la sheegay inuu ku howlanaa caawinta dadka abaaraha ay saameeyeen.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Cali Maxamed Gurxan wuxuu warbaahinta ka sheegayay in loo gargaaro dadka abaaraha sida daran ay u saameeyeen, wuxuuna si kulul uga waramayay xaaladaha ammaanka.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah, Cali Maxamed Gurxan ayaa maanta toogasho lagu dilay gudaha magaalada Boosaaso, mana jirto cid ilaa hada ka hadashay oo sheegatay mas’uuliyada dilka sarkaalkaas ka tirsan maamulka Puntland.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News