Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, February 22, 2011

Galmudug Oo Ugu Baaqday Somaliland Inay Iskaga Baxdo Kalshaale-

Maamulka Galmudug ayaa maanta ka hadlay dagaalada dhawaan kasoo cusboonaadey degaanka Kalshaale ee Gobolka Cayn. 
 
Waxayna baaq u jeediyeeen Maamulka Somaliland ay inay joojiyaan dagaalada ay ka wadaan deegaanka kalshaale.

 Baaqa maamulka Galmudug waxaa uu imaanayaa xilli ay maalmihi la soo dhaafey degaankaasi ka dhaceen dagaalo qaraar oo u dhexeyey ciidamada degaanka Buhoodle iyo kuwa Somaliland, halkaasi oo ay ka dhaceen dagaaladii ugu darnaa ee muddo sanado ah gobollada Waqooyi ka dhaca,waxaana dagaaladaasi sababeen khasaare lixaad leh.

Duqa degmada Galkacayo ee Maamulka Galmudug Siciid Salaad Cilmi oo maanta si rasmi ah dagaaladaasi uga hadlay ayaa sheegey in loo baahan yahay in xiisadaha coladeed ee ka taagan degaankaasi lagu dhameeyo wada hadal isla markaasna maamulka Somaliland kala baxaan ciidamadooda degaanka Buhoodle & nawaaxigiisa,waxaana uu ugu baaqay labada dhinac inay ilaaliyaan nabadda & wada noolaanshaha ka dhexeya.

Mudane Siciid Salaad Cilmi waxaa uu daaha ka qaaday in hadii dagaaladaasi sii socdaan ay sababi karaan khasaare lixaad leh oo dadka degaanka soo kala gaara,waxaana uu sheegey in loo baahan yahay in arrimahaasi loo dhiibo dadka waxgaradka ah ee labada degaan kasoo kala jeeda,waxaana uu sheegey in nabada horumar lagu gaadhi karo.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News