Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, February 1, 2011

Gaalkacyo:”Waxaanu haynaa Dhamaan dadkii ka danbeeyey Qaraxii shalay & kuwo kale oo tuhun aanu ku haysano”Taliyaha Booliska Mudug.

APL
February 02, 2011  Dalkayaga@gmail.com
 ___________________________________________________________________________________________
Taliska qeybta booliska ee Amaanka & dhaqancelinta gobolka Mudug ayaa markii ugu horeysay cadeeyey islamarkaasna daboolka ka qaaday inay gacanta ku hayaan dad badan oo loo haysto eedaymo kaladuwan kuwaas oo ay kujiraan dhamaan kuwii ka danbeeyey qaraxii shalay duhurnimadii lala eegtay gaari uu saarna Taliyaha ciidanka daraawiishta ee aaga Mudug Gol,Maxamed Muuse Ilkadheere oo ka badbaaday qaraxaas.

Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Mudug G/lle,dhexe Aadan Nuur Qaal oo maanta shirjaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegey inay hayaan dad uusan tiradooda sheegin oo qaarkood hubaysnaa kuwaas oo ay shacabka & ciidanka amaanku iska kaashadeen soo qabashadooda,waxaana uu taliyuhu sheegey inay jiraan dad horleh oo loo hayo qaraxii shalay & kuwo kale oo falal horey u dhacay ay u hayaan ciidanka Amaanku.

“Qaraxii waxaanu u haynaa dhamaan dadkii ka danbeeyey qaraxii shalay,gacanta ayaanu ku haynaa qaarkoodna waa ay hubaysnaayeen,baaritaano ayaanu ku haynaa kuwo kale oo aanu tuhun weyn ka qabna,Qaraxii gudoomiyaha & dilkii xeer ilaaliyaha iyagana dad baanu u haynaa,baaritaano ayaanuna wadnaa,marka shacabku hanaga warsugaan cadaalada ayaanu horgeynaynaa dhamaan dadka aanu hayno”Ayuu yiri Taliyaha qeybta Booliska gobolka Mudug.

Aadan Nuur Qaal wuxuu mahadcelin balaaran usoo jeediyey shacabkii shalay gacanta ka geysatay soo qabashada dadkii ka danbeeyeyu qaraxii lala eegtay taliyaha Daraawiishta,waxaana uu sheegey inay baaritaano ku hayaan islamarkaasna ay shacabka horkeeni doonaan cidkasta oo danbi lagu helo.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News