Tuesday, February 22, 2011

Faysal Waraabe: "Ballan Waxaannu ugu Qaadnay in aannu iska kiin Celino.. Gacanina way Imanaysaa ee Ogaada’

“Ninkii doonaya in uu reer ku sheegto dawladda madaxweyne Siilaanyo Garadag ha geeyo oo ka kaxeeyo caasimadda Somaliland”
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID 

Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md. Faysal Cali-waraabe, digniino culus u jeediyey xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo uu ku eedeeyey in masuuliyiinteedu kula kaceen aflegaado qaawan. 

Eng. Faysal Cali-waraabe waxa uu sheegay in uu hayo caddaymo muujinaya shirkii uu ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibaddu in uu ahaa mid uu kaga qaybgalay gobol Soomaaliya ka mid ah, waxaannu sidaas ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyey munaasibadda xuska 20-ka February ee dhallinyarada UFO. 

“Annagu waxaannu isku ogayn qoladii KULMIYE haddaanay isbeddelin in la soo dhiso dawlad dadka midaysa oo horumar u keenta bulshada, laakiin waxay u eegtahay KULMIYE markii gaadhigu galayey madaxtooyada in ay ka daateen oo qolo kale fuushay,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe. 

Guddoomiyuhu waxa uu si weyn u dhaliilay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo uu ku tilmaamay in aanay kala garanayn qabiilka iyo qaranka, waxaannu uga digay haddii ay cayi timaado in ay gacana iman doonto, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxaa jira dad aan qabiilkii iyo dawladii kala saarayn, waxa jira masuuliyiin marka dabkaa ka leexo la yidhaa dadkii caayaya, tiifiyada iyo idaacadahaba waad kala socoteen. Hadday cay timaad, gacanina way imanaysaa ee ogaada, aflagaadada keenta dagaalka. 

Aflagaadada haddaad joogin weydaan xukuumaddaay; KULMIYE maahee waa dawladda xubnaha gaadhiga dhexda ka fuulay, hadday joojin waayaan ballan waxaannu ugu qaadnay in aannu iska caselino. Sababta oo ah ninka aan dalka u soo halgamin dagaal sokeeyana galay oo aannu ognahay qaarkood inaanay Ceerigaabi tagi karayn oo aan wasiirnimo u ogolaaday inuu i caayo xaq uma laha. 

Kuwa aan la hadlyaa UDUB markii aannu ridaynay way maqnaayeen, markii inaadeerkii yimi ee uu madaxweyne ayuu soo dagay oo dalka yimi, dabadeedna anuu cay igu bilaabay. 

Dalkan waxa uu ku socon karayaa waxa weeye midnimo. Maxamed Siyaad Barre waxayaabaha riday waxay ahayd nin dawladdii reernimo iska sheeganaaya, dawladda madaxweyne Siilaanyana la nagama sheegan karo, ninkii doonaaya in uu reer ku sheegto dawladda madaxweyne Siilaanyow Garadag gee oo ka kaxee caasimadda Somaliland. 

Walaalayaal waxaan leeyahay dagaal adag baa innagu socda, haddaynu ka jeedsanana waa la ina qabsan doonaa, waxana weeyaan in dawladdani dadka hanato. Dawlad aan haysan taageerada shacabkeeda ma socon karto. 

Marka la yidhaahdo waar halkaa ka jooga way khaldan tahaye, inay na caayaan xaq uma laha, laakiin waa in ay yidhaahdaan waan ku saxannahay oo ay nala doodaan.Iminka waxaannu idiin sheegaynaa shirkii London lagu galay shir al inagu minjo-xaabinayo ayuu ahaa. Shirkaasi shir la innagu khiyaameeyey ayuu ahaa, caddaymihiibaanuna haynaa oo wixii ka soo baxay baynu haynaa, barnaamijkiibaynu haynaa. Hadday dawladdu leedahay wuxuu ahaa xaqa ha noo sheegeen, laakiin yaanay na caayin oo aanay la aflagaadayn. 

Waxaannu aragnaa iminka shir Soomaaliyeed, markasta oo Soomaaliya laguugu yeedhaayana waxa kuugu yeedhaya dawladaha waaweyn, Ingiriis baa i casuumay wax weyn maaha, haddaa ma Shariifbaa ku casuumi lahaa? 

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Allaah ha u naxariistee Talyaanigaa casuumay, markii la casuumayna wuxuu Cigaal u yeedhay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo dhawr nin oo odayaal ah, waar bal dhegaysta Talyaanigiibuu yidhi, madaxweynuhuna (Cigaal) wuxuu yidhi anigoo maxayaan ka soo qaybgalayaa, waxaanay ku yidhaahdeen adigoo Soomaaliya qayb ka ahbaad ka soo qaybgalaysaa, waar iga baxa xafiiska buu yidhi. Waxay yidhaahdeen haddaad ka soo qaybgali weydo intaanu Cabdiqaasim doono ayaannu soo hubayn oo ku qabsan. 

Horta bahashu caynkaasay ahaan jirtee waa la i casuumay oo waxaan dhex fadhiistay Majeerteeniya iyo TFG annagu taas yeeli mayno. 

Madaxweyne Siilaanyo waxaannu ka oggolaanay in uu doorashadii helay in uu noqdo madaxweynaha Somaliland, wasiirkiisa Arrima Khaarajigana waxaannu ka oggolaannay inuu yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland. Aniga Dawlad-goboleedka Somaliland wakiil noogama aha,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.



Jamhuuriya Online

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News