Monday, February 7, 2011

Dowlada Canada oo ku eedeysay maamulka Shiiekh Shariiif in ay la shaqeyso burcad badeeda

February 7, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Website-ka Wikileaks oo ku caan baxay soo saarida sirta dhinaca diblamaasiyada caalamka ayaa ku waramay in dowlada Canada ay ogaatay inuu jiro xiriir ka dhaxeeyo burcad badeeda Soomaalida iyo dowlada KMG Soomaaliya.


Canada oo warkaan sheegtay sanadi 2008 xiligaasi oo ay xoowli ku socdeen burcad badeeda ayaa hada waxaa soo shaaciyey website-kaasi waxaase laakin Canada aysan cadeynin sida uu u jiro xiriirkaasi.

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa ku cel celisay in loo baahanyahay in garab laga siiyo la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya oo nafta u keentay maraakiibta caalamiga ah ee isticmaalo marin biyoodka badaha India iyo Badda Cas.

Burcad badeeda Soomaalida waxay sanadkiiba qafaashaan maraakiib fara badan iyadoo ka hela lacago malaayiin doolar oo madax furasho ah, waxaa ay hoowshan ka dhigteen meherad iyadoo taasina keentay in qaar la dilo qaarna la qabto.

Hada burcad badeeda waxay gacanta ku hayaan maraakiib iyadoo markabki ugu danbeeyey ay afduubteen doraad markabkaasi oo laga leeyahay dalka Shiinaha, waxaa ay ka qabsadeen meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.

Source: Barkulan



0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News