Thursday, February 24, 2011

Deegaanada Shabaabka Kataliyaan ayaa ka qarxay Qafaal ka dhan ah Dhalinyarada

February 24, 2011 Dalkayaga@gmail.com
________________________________________________________________________________
Kadib dagaal saf balaaran ah oo ka qarxay goobo badan oo ay isku hordahdiyeen ciidamada Dowlada iyo Xarakada Shabaab ayaa waxa ay keentay in goobo muhiim ah looga qabsado xarakada shabaab taasi oo dhalisay in maamulada shabaab ee gobolada dalka ay bilaabaan qafaal ka dhan ah dhalinyarada kuwaasi oo loogu baaqayo iney galaan Dagaalka looga soo horjeedo ciidamada Amisom..


Maamulada Shabaabka ee Gobolada Dalka gaar ahaan gobolada nabdoon ayaa waxa ay dhalinyarada kunool deegaanadaasi ugu baaqeen iney ka qeyb qataan dagaalada ay kaga soo horjeedaan ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom oo sutida u qabtay kooxaha argagaxisada ah ee Alshabaab hor booddo..

Goobaha Qafaalka kabilawday ayaa waxa kamid ah Gobolada Shabeelada Dhexe gaar ahaan Degmooyinkiisa Jowhar iyo Balcad iyadoo sidoo kalena Gobolka Shabeelada hoose gaar ahaan deegaanka ceelasha ay ka bilaabatay abaabul ka dhan ah dhalintaan oo si tashkiilin iyo qasab isku jira looga dalbanayo iney tagaan aaga dagaalka oo isaga noqday mid qasaaro xoogani kasoo gaartay dagaalki shalay xarakada shabaab.

Waxa cabsi xoogani soo wajahday dhalinta kunool deegaanadaani iyadoo Maqaayadaha waa weyn ee kuyaalo Magaalooyinka Jowhar, Marka,  ay maanta yihin kuwa haawanayo bacdamaa ay dhalinti si baxsad ah ay ugaleen hoodka iyagoo ka baqanayo in si qasab ah loogu daad  gureeyo dagaalada.

Ma’ahan marki ugu horeysay ee Shabaab dadka somalida ugu baaqaan  dagaalada ay kujiraan hasa yeeshe hore waxa udhici jirtay in bulsha waliba oo meel kunool ay ka helaan dhalin da’yar oo udagaalanto balse talaabadaani cusub ee qasab kugalinta dagaalka ee caruurta ayaa waxa ay ka dambeesay kadib gawaari ay saaran yihiin cod baahiyaal dadka looga dalbaday iney isugu yimaadin dagaal jihaad ah taasi oo shacabka aysan dhag jalaq usiin.

SMC

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News