Contact Form

Name

Email *

Message *

Thursday, February 3, 2011

Dawlada Yemen oo xir xirtay dad Somalied oo ay amaan xumo inay abuureen lagu eedeeyay

February 3, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Dawlda dalka Yemen ayaa sheegtay inay xir xirtay illaa iyo 26 ruux oo African ah kuwaasoo ay dawladu ku eedeysay inay wadeen falal amaanka ka dhan ah.

War ay wasaaradda arrimaha gudaha Yemen soo saartay oo ay baahisay wakaaladda wararka ee SABA ayaa waxaa lagu sheegay in saraakisha amaanka ee gobolkada Sacda iyo Xudeyda ay gacanta ku dhigeen 26 ruux oo muhaajiriin African ah kuwaasoo ay dawladu ku eedeysay inay wadeen falal amaan xumo iyo inay dalka si sharci daro ah ku galeen.

Warku waxaa uu sheegayaa in gobolka Sacda la yiraahdo lagu xiray 8 ruux oo midi Somali yahay halka todobada kalena ay u dhasheen wadanka Ethiopia.

Sidoo kalena gobolka Xudeydah ayaa la sheegay inay ku xiran yihiin 18 ruux oo 6 ka mid ah ay Somali yihiin iyo 12 Ethiopian ah kuwaasoo ay dawladu ku eedeysay inay amaanka gobolka qal qal galiyeen.

Dhinaca kalena in ka badan 104 ruux oo tahriibayaal Somalia ah iskuguna jira haween iyo caruur ayaa gaaray xerada qaxootiga ee Al-Kharaz oo ah xerada ugu weyn ee qaxootiga Somalida ku jiraan kaadib ka markii laga raray xeryo ku yaala gobolada Shabwa iyo Tacis.
  
Xigasho: SWM

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News