Friday, February 25, 2011

Dareennada Saska leh ee Dadweynaha Hargeysa ka Qaadeen Guryaha la Gubayo iyo Jawaabta Xukuumadda

Hargeysa (Jam)- Koox suxufiyiin ah oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee warbaahinta maxalliga ah ee Somaliland, ayaa markii ugu horreysay kormeer wadajira oo xaqiiqo-raadis ah ku soo maray shalay qaar ka mid ah guryaha aan ilaa hadda cid gubtay la caddayn ee ku yaallay xaafadda New Hargeysa ee caasimadda dalka. 


Kormeerkan oo ay warfidiyeennada ku wehelinayeen masuuliyiin sare oo ka tirsan Madaxtooyada Somaliland iyo xukuumadda, saraakiisha ciidanka booliska iyo madax-dhaqameedyo, waxa ay ku soo mareen ilaa afar ka mid ah guryaha gubtay ee xaafadda New Hargeysa, kuwaasoo ahaa jiingado jaajuur dhexda iyo hareeraha kaga samaysan yahay iyo aqal-soomaaliyo dhammaantood ku shufbeelay dabka aan ilaa hadda aqoonsan oo inta la xaqiijiyey galaaftay ilaa 22 guri oo dad shacab ah deganaayeen. 


Qaar ka mid ah dadka guryahoodu gubteen oo saxaafaddu halkaa kula kulmeen, ayaa ka warbixiyey sida aqalladooda dabku u qabsaday iyo khasaaraha ka soo gaadhay falalka naxdinta iyo cabsida weyn ku abuuray bulshada caasimadda Hargeysa ee lagu gubayo guryaha rayidka. 


Sida oo kale, waxa warbaahinta halkaa kula hadlay Badhasaab-ku-xigeenka Gobolka Hargeysa, salaadiin iyo odayaal ka tirsan dadweynaha xaafadda New Hargeysa ee guryaha badan ku gubteen saddexdii toddobaad ee u dambeeyey. 


Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Hargeysa Mr. Mawliid Waris oo ka hadlayey tirada guryaha ku shufbeelay xaafadda New Hargeysa, ayaa sheegay in tirada aqallada gubtay dhan yihiin 21 guri oo u badan carshaan iyo jiingado iyo dhawr aqal oo dhagax ah. 


“Guryahaas la gubay waxay u badan yihiin buulal iyo jiingado, binooyin daaro ahna way ku jireen, Nasiib-wanaag ma jiro cid ku dhaawacantay iyo cid ku dhimatay toona, waxaanad moodaa in dadka laga faa’iidaystay oo cabsi lagu abuuray, sidaa darteed waxaannu dadweynaha u soo jeedinaynaa inay isdejiyaan wixii ay ka shakiyaanna ciidammada ammaanka la soo xidhiidhaan, guryahoodana ku sugnaadaan, iskana daayaan tashuushka lagu furay,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenku, isagoo dhinaca kalena tacsi u diray qoysaska guryahoodu gubteen. 


Taliyaha qaybta bariga booliska Somaliland ayaa shaaca ka qaadday in ciidanka bilaysku gacanta ku dhigeen ilaa dhawr iyo toban oo loo tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen falalka axmaqnimada ah ee dabka lagu qabadsiiyey guryaha rayidka, waxaannu shacabka caasimadda Hargeysa ugu baaqay in ay ciidammada ammaanka gacan buuxda ku siiyaan wax-ka-qabashada cid kasta oo dhibaato wadda, “Waxaannu aragnay guri shufbeelay oo haddana aan xataa weel dhex ool oo laga wada saaray alaabooyinkii hoos yaallay. Waxa naloo sheegay in dusha lagaga shubay baatrool, laakiin cidna waxba kumay noqon,” ayuu yidhi Taliyuhu, isagoo sheegay inay kiiskan u hayaan dhawr iyo toban qof, waxaannu carrabka ku dhuftay in shacabku ka gaabiyeen kaalintii kaga aaddanayd wax-ka-qabashada dhibaatada guryaha la gubay. 


Ugu dambayn, waxa uu taliyuhu kula dardaarmay guud ahaan bulshada reer Hargeysa inay la soo socodsiiyaan booliska cidda ay arkaan ee ku kacaysa falalka waxshnimada ah ee lagu waxyeellaynayo dad masaakiin oo aan waxba galabsan. 


Dhinaca kale, dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa ayaa dareen sas leh ka muujiyey guryaha gubanaya, taasi oo keentay in qof waliba gaadh adag ka galo gurigiisa, iyada oo mararka qaarkood dadku dusha ka fuulayeen guryahadooda,isla markaana ka baadhayey dareeraha la sheegay in aqalada lagu gubayo, gaar ahaan saacadaha cadceedu kulushay. 


Waxayn dad badani aaminsan yihiin in arrintan cadagwa Somaliland ku lugleeyahay, kaasi oo doonaya inuu qalalaase iyo curyaamin dhaqaale ku sameeyo dadweynaha, isla markaana tuhuno kala dhexdhigo shacabka Somaliland, taasi oo loo baahan yahay in dadku si taxadar leh uga feejigaadaan, isla markaana wixii ay ka shikayaan si indho furan ay ula socodsiiyaan hay’adaha ammaanka dalka, iyada oo xukuumaddana looga fadhiyo inay dabal xoogle ku samayso xaqiijinta iyo ka gungaadhka masiibadan, loona baahan yahay in ciddii lagu helo laga qaado tallaabooyin adadag. Lana gacan qabto dadkii khasaaruhu ka soo gaadhay guryaha gubtay.





Jamhuuriya Online

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News