Monday, February 7, 2011

Dagaal ka socda Kalshaale oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo Maamulka SSC

Febraury 07, 2011  Dalkayaga@gmail.com
_________________________________________________________________________________
Wararka ka imaanaya deegaanka Kalshaale ayaa sheegaya in uu haatan ka billowday dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo xoogagga SSC.


Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, hase yeeshee labada dhinac ayaa la sheegayaa in ay isku adeegsanayaan hub noocyo kala duwan leh.

Deegaanka Kalshaale ayaa dhowr mar oo hore waxay dagaallo ku dhex mareen ciidamada Somaliland iyo ururka SSC, iyadoo dagaalladaasi ay sababeen dhimasho iyo dhaawacyo soo gaaray dhinacyadii ku dagaallamay halkaasi iyo dadka rayidka ah.


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News