Wednesday, February 9, 2011

Dadka Ku Dhaqan Cabudwaaq Oo Kasoo Horjeestay Dagaalada Kalshaale

Dadweynaha ku dhaqan degmada Cabudwaaq ee gobolka Galguduud ayaa si toos ah uga soo horjeestay dagaalada ka soo cusboonaadey deegaanka Kalshaale ee gobolka Ceyn.



Dadweynaha degan Cabudwaaq oo goob fagaare ah maalintii shalay ku dibadbaxay ayaa cambaareeyay Maamulka Soomaaliland oo ay ku eedeeyeen in weeraray dad xoola dhaqato ah oo dhulkooda ku sugan isla markaana ay dhibaato u geysteen ciidamada Soomaaliland.

Banaanbaxayaasha ayaa codkooda ku dalbaday in Ciidamada Soomaaliland ay joojiyaan dagaalka ay ku soo qaadayaan dadka deegaanka Kalshaale isla markaana ay ka baxaan deegaanka Kalshaale ee ay ku soo duuleen ciidamada Soomaaliland.

Dadweynaha magaalada Cabudwaaq ayaa waxay Soomaaliland ugu baaqeen in ay tixgeliyaan cabashada dadka, maadaama sida ay sheegeen dhulka gobolka Ceyn aan laga dooneyn maamulka Soomaaliland, loona baahan yahay in la dhowro maatada iyo dadka xoola dhaqatada ah ee Kalshaale ku dhaqan.

Dhowaan ayay ahayd markii dibadbaxyo balaaran oo dagaalka Kalshaale looga soo horjeedo ay ka dhaceen degmooyinka Laascaanood, Buuhoodle iyo meelo ka mid ah gobolka Sanaag, iyadoo arintaasi aysan dheg jalaq u siin ciidamada Soomaaliland.

Xigasho: RBC

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News