Sunday, February 6, 2011

Ahlu-sunna Waljamaaca oo kasoo horjeesatay go'aankii ay muddada ku kororsadeen xildhibaannada baarlamaanka

February 5, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Iyadoo maalin ka hor fadhi uu ku yeeshay magaalada Muqdisho baarlamaanka Soomaaliye uu isku raacay in muddo sadax Sano ah loogu sii darro waqtiga uu sii jarayo baarlamaanka taasoo ka bilaabeysa 22-ka Augusto ee sanadkan aynu ku jirno, ayaa waxaa go'aankaa ka soo horjeestay maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee goballada dhexe.


Guddoomiyaha guddiga fulinta Ahlu Sunna Waljameeca Shiikh Max'ed Yuusuf Xeefow oo warbaahinta qaar la hadllay ayaa sheegay in talaabada uu qaaday baarlamaanka tahay mid lagu cuuryaaminayo umadda Soomaaliyeed, isaga oo intaa ku darray in ay dhinacooda maraba soo dhaweyn doonin go'aankaa isaga.

Waxaa uu sheegay in halkii ay ku mashuuli lahaayeen in ay iyaga watiga kordhistaan looga baahan yahay in ku mashquulaan wax qabad, iyo soo celinta amaanka dalka ayuu yiri Xeefow oo dhinaca kale sheegay in baarlamaanka iyo dowladda intaba aysan waxba qaban muddadii ay jireen, waxaana uu ka dalbaday baarlamaanka Soomaaliya in ay dib uga fiirsadaan go'aankaa isaga ah oo ah ayuu yiri mid lagu fududaaday.

Ma'aha oo kaliya dhinacyada is hortaagay go'aanka baarlamaanka Soomaaliya Ahlu Sunna Waljameeca ee sidoo kale waxaa talaabada ay qaadeen mudayaasha baarlamaanka ka hor yimid UN-ka, Mareykanka, iyo Britian, oo si cad u sheegay in aysan marnaba u dulqaadan karin wax ka soo yeeray Xildhibaannada Soomaalida ee ah kororsiga waqtiga ay sii jirayaan.
 
Source: HOL

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News