Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, February 25, 2011

Afhayeenka AlMISOM "Waan Jibinay kuwii xagjirka ahaa, waxana ka qabsanay Fariisimadooda..."

February 25, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta AMISOM Major Bridgaya Bhaku ayaa ka warbixiyay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee ay la galeen ciidamada xarakada Al-Shabaab, waxa uuna sheegay inay dagaaladaasi ka guulo isla markaana ay ka qabsadeen goobo istiraatiiji u ah Al-Shabaab ayna ka mid tahay Wasaaradda Gaashaandhigga, oo uu sheegay afhayeenka AMISOM inay ciidamadoodu ay la wareegeen.


Waxa uu sheegay Major Bridgaya Bhaku in ciidamada TFG-da iyo kuwa AMISOM dagaaladii Muqdisho ka dhacayay afartii maalmood ee la soo dhaafay ay ka qabsadeen Al-Shabaab goobo muhiim u ahaa, isagoona caddeeyay inay sii wadayaan dagaalada Muqdisho uga saarayaan wax uu ugu yeeray kooxaha xagjirka ah.

"Runtii dhabarka ayaanu ka jebinay kooxaha xagjirka ah, waxaana ka qabsanay goobo istiraatiiji u ahaa oo ay ka soo duuli jireen" ayuu yiri Afhayeenka ciidamada AMISOM oo u waramayay idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga, wuxuuna dhinaca kale sheegay in ciidamada Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen xarunta Wasaaradda Gaashandhigga oo uu shegay inay ciidamadooda ku sugnaayeen.

Weerarka Shabaabka ay ku qaadeen ciidamada AMISOM, ayuu sheegay afhayeenkooda inay ku doonayeen sidii ay mar kale u qabsan lahaayeen xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, oo uu sheegay inay ka mid tahay saldhigyada ugu muhiimsan oo saadka ay dhigan jireen, hase yeeshee waxa uu sheegay weerarkooda in jab xoog leh ka soo gaaray, isagoo sheegay inay la kulmeen iska caabin xoog leh, dhimasho iyo dhaawac ay halkaasi ka qaateen.

  
SMC

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News