Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, February 22, 2011

Afar qof oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa lagu soo waramayaa in budhcadbadeeda Soomaaliyeed ay dileen

Afar qof oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa lagu soo waramayaa in budhcadbadeeda Soomaaliyeed ay dileen

kuwaas oo qabsadeen Jimcihii lasoo dhaafay. Budhcadbadeeda ayaa ka qabsadea meel u dhaw xeebaha dalka Cumaan.

Telefishanka CBS News ayaa ku soo waramaya in budhcadda uu ka hortagey markab dagaal oo ay  leeyihiin ciidanka Badda ee dalka Maraykanku, waxaana ay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah budhcadbadeeda, halka ay qaar kalena ay dileen.

Waa markii u horeysey oo budhcadbadeedu ay dilaan dadka ay madaxfurashada u qabsadaan, waxaana tani ay muujineysaa khibradda ay ka heleen dhacdadii sanadkii 2009 ee lagu soo furtey Kabtan Maraykan ah, isla markaana lagu dilay saddex kamid ah burcadbadeedii haystey.
Magacayada 4 qof ee burcaddu ay dileen ayaa lagu sheegay Scott Adam iyo xaaskiisa Jean,Phyllis Macay iyo Bob Riggle.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in Ciidamada Maraykanku isku dayeen in ay xoog ku soo furtaan 4 qof, taasna ay sababtey in budhcadbadeedu ay dilaan dhamaan maxaabiistii ay haysteen.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News