Contact Form

Name

Email *

Message *

Tuesday, January 18, 2011

Xildhibaan Iska Casilay Xilkii uu kahayey Barlamaanka KMG ah.

 Mudane katirsanaa Barlamaanka KMG ah ee Somalia ayaa maanta si rasmi ah isaga casilay kamid ahaan shihiisa Barlamaanka tirada badan ee dowladda KMG ah.

Xildhibaanka is casilay oo lagu magacaabo Jaylaani Cali Kadiye ayaa sheegay in is casilaadiisa ay ka dambaysay kadib markii sida uu hadalka u dhigay uu arkay wax qabad la’aanta Barlamaanka KMG ah iyo mas’uuliyadii shacabka oo la dayacay.


Mr. Jaylaani ayaa carabka ku dhuftay in Barlamaanka KMG ah uu sheedda ka fiirsanayo dhibaatooyinka lagu hayo shacabka Soomaaliyeed halkii looga fadhiyey inuu wax ka qabto arrintaas.

“Weli kama qeyb galin kulamada Barlamaanka tan iyo markii aan xildhibaan noqday, sidaas darteed waxaan goostay inaan xilka iska casilo mar haddii aanan gudan karin waajibaadka iga saaran shacabka” ayuu yiri Jaylaani Cali Kadiye oo ah xildhibaanka is casilay.

Jaylaani Cali Kadiye ayaa hadda ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana xusid mudan in hadda kahor uu isku soo taagay xilka madaxweynanio markii la dooranayey C/laahi Yuusuf Axmed Madaxweynihii hore ee dowladda KMG ah.

Guddoonka sare ee Barlamaanka KMG ah weli kama hadlin is casilaadda uu maanta sameeyey Ex- Xildhibaan Jaylaani Cali Kadiye oo is casilaadiisa kadib Barlamaanka KMG ah ku dhaliilay wax qabad la’aan baahsan.

Ma ahan xildhibaankii ugu horeeyey ee iska casila xilkii uu ka hayey Barlamaanka KMG ah, horay tiro xildhibaano ah ayaa isaga casilay kamid ahaanshohodii Barlamaanka KMG ah ee Somalia.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News