Thursday, January 6, 2011

Waxgaradka Gaalkacyo oo qaylo dhaan ka muujiyay dilal qorshaysan

Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Maamulka Galmudug ayaa qeylo dhaan ka muujiyay falal amni daro oo kasoo cusboonaaday gudaha magaaladaasi.


Iyadoo maalmihii u dambeeyay magaalada Gaalkacyo dhinaceeda woqooyi ay kusoo badanayeen falal amaan dari oo lagu waxyeelaynayo Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Mudug iyo dad rayid ah oo aan wax ba galabsan, ayaa arimahaasi waxaa walaac xoogan ka muujiyay qaar ka mid ah waxgaradka iyo nabadoonada ku dhaqan gobolkaasi.

Max’ed Nuur Diiriye Furux oo ka mid ah nabadoonada magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu tilmaamay, waxa ay horseedi karto hadii aan wax laga qaban falalka amaan dari ee kusoo kordhaya magaaladaasi, wuxuuna carabka ku dhiftay in loo baahan yahay in hal dhinac loogu soo horjeesto dadka falalka amaan dari ka wada gudaha magaaladaasi.

Nadoonka oo hadalkiis sii wata ayaa sheegay in falalka amaan dari ee kusoo kordhay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ay qayb ka yihiin dilalka qorshaysan ee ka dhacaya gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.

Max’ed Nuur Diiriye Furux oo ka mid ah Nabadoonada ku dhaqan woqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay Maamulada Galamudug iyo Puntland in ay wax ka qabtaan falalka amaan dari ee kusoo kordhay magaalada gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Hadalka kasoo yeeray Nabadoonada ku dhaqan Woqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa kusoo beegmaya xili mnagaaladaasi ay ku kordheen falal lagu bartilmaameedsanayo Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Mudug iyo dadka rayid ah.

Dalkayaga@gmail.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News