Monday, January 17, 2011

UNHCR iyo Yemen oo ka wadahadlay qaxootiga Soomaalida ah

Bar-Kulan
 
January 17, 2011Dalkayaga.com


Dowladda Yemen iyo mas’uuuliyiin ka tirsan haya’adda Qamada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee (UNHCR) ayaa kulan ay ku yeesheen Yemen waxay kaga hadleen dhibaatooyinka haysta Soomaalida qaxootiga ku ah dalkaasi.


Kulankan oo ay ka qayb galeen wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Yemen ahna guddoomiyaha guddiga qaranka ee arrimaha qaxootiga, Cali Musaana Xasan iyo madaxa qaxootiga ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa labada dhinaca waxay ka hadleen sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ay ka cabanayaan qaxootiga Soomaalida ah.

Antonio Guterres ayaa bulshada caalamka ka codsaday in ay kordhiyaan gar-gaarka ay u fidiyaan Soomaalida qaxootiga ku ah dalka Yemen, si dawladda dalkaasi looga yareeyo culeyska ay kala kulanto qaxootiga, ee la degay dhaqaalihii waddanka.

Guterres ayaa sheegay in labada dhinac ay isku raaceen in loo howlgalo sidii loo caawin lahaa, loogana taxaddari lahaa dadka qaxootiga ah.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News