Thursday, January 6, 2011

Somaliland oo Beesha Caalamka ka Dalbatay in Maamulka Puntland iyo Shirkadda SARACEN Laga Joojiyo inay Shidaal ka Qotaan Bariga Sanaag

Hargeysa (Jam)- Dawladda Somaliland ayaa markii ugu horraysay beesha caalamka ka dalbatay inay maamul-goboleedka Puntland iyo shirkadda ay soo kiraysteen ee ammaanka qaabilsan SARACEN damacooda ay ku doonayaan inay shidaal kaga qotaan degaannada bariga Gobolka Sanaag oo mid ah dhulka Jamhuuriyadda Somaliland. 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo u warramay suxufiga ruug-caddaaga ee Xuseen Cali Nuur oo ah weriyeyaha wakaaladda wararka caalamiga ah ee Reuters u jooga Somaliland, ayaa ka digay in haddii beesha caalamku arrintaa wax ka qaban waydo ay sababi doonto cawaaqib xumo iyo xasillooni-darro saamaysa guud ahaan mandaqada Geeska Afrika, maadaama deegaannada shidaalka iyo macdanta laga raadinayaa ka tirsan yihiin Somaliland.


“Shacabka bariga Sanaag waxay ka soo horjeedaan in khayraadka shidaalka iyo macdanta ah Puntland ka baadho degaankooda, taas oo ah muhiimadda ay wadato shirkadda Saracen. Maamulka Puntland waxa uu ku xidhiidhiyey shacabkaas argagixiso, waa dad rayid ah oo ka cabanaya gacmaha Puntland, mana aha argagixiso,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi. 

Wasiirku waxa uu ka digay cawaaqib-xumada ka dhalan karta damaca maamulka Puntland, “Tani waxay horseedi doontaa iska horimaad khatar ah iyo qalalaase ka dhaca gobolka.” 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland waxa uu si kulul u beeniyey eedo maamulka Puntland ku sheegeen in Somaliland xidhiidh la leedahay kooxaha argagixisada ah ee Al-shabaab iyo kooxaha dagaalka ka wada buuraha bariga Sanaag, isaga oo sheegay in Somaliland qabqatay rag argagixiso ah oo caalamka iyo dalalka Geeska Afrika laga yaqaano, isaga oo xusay in ilaa hadda ay rag argagixiso ahi ku jiraan jeelasha Somaliland. 

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo arrimahaa ka hadlayey waxa uu yidhi; “Eedaynta Puntland ee ah in Somaliland iyo Al-shabaab xidhiidh ka dhexeeyo waa mid aan sal lahayn, waa been lagu marin-habaabiyo ama lagu daboolayo qorshaha Somaliland fashilisay ee shirkadda Saracen ku hubaynayso, kuna tababarayso ciidamo badan oo ka tirsan Putland, kuwaas oo aanay Somaliland iyo dalalka jaarka oo keli ahi welwel ka qabin, balse dalalka Maraykanka iyo Midowga Yurub ka walaacsan yihiin.” 

“Somaliland waa dal lagu ammaanay dimuqraadiyadda heerka caalami ah ee uu gaadhay, taasina waa waxyaabaha Al-shabaab nagula colowday, waana sababta ay Puntland u soo jeedinayso eedaha nacasnimada leh ee ah in Somaliland gacan siiso Al-shabaab.” 

Dr. Maxamed Cabdillaahi waxa uu xusay in aanay naxariisi ka dhaxayn Somaliland iyo kooxaha argagixisada, isagoo tilmaamay in dagaal cadi ka dhexeeyo Somaliland iyo cid kasta oo argagixiso ku lug leh. “Waxaannu xidhxidhnay argagixiso gobolka iyo caalamkaba laga yaqaano, kuwaas oo qaarkood xukun xabsi-daami ah ugu xidhan yihiin jeelashayada. Argagixisadu dhawr jeer ayey na soo weerareen sida weeraradii xidhiidhka aha ee 28 October 2008 ay nagu soo qaadeen, waxaannu xogta iyo wararka sirta ee argagixisada is waydaarsanaa dalalka gobolka ku yaal iyo kuwa caalamka ah.” 

Waxa kale oo wasiirka arrimaha dibedda Somaliland ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya maamul-goboleedka Puntland iyo shirkadda dhinaca ammaanka qaabilsan ee Saracen oo uu sheegay in ilaa hadda Puntland qarinayso dalalka maalgelinaya tabarada shirkadda la soo kiraystay waddo.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Puntland iyo Saracen ilaa hadda may caddayn dalka maalgelinaya tababarka iyo hubaynta ka socota Boosaaso, taas oo ah hawlgalka labaad ee ugu ballaadhan marka laga reebo AMISON, arrintaas oo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay walaac ka muujiyey.” 

Ugu dambayntii Wasiirku waxa uu uu sheegay in diyaaraddii saanadda millateri sidday ee dhawaan Somaliland qabatay shaaca ka qaaday xidhiidhka qarsoon ee ka dhexeeya Puntland iyo Saracen, taas oo bisha February ee sannadkan warbixin ku saabsan laga akhriyi doono Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.



Jamhuuriya Online

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News