Monday, January 10, 2011

Shabaabka Jubbada dhexe oo uu khilaaf soo kala dhex galay

Maleeshiyada Al shabaab ee gobolka Jubbada dhexe ayaa la sheegayaa inuu soo kala dhex galay khilaaf, salka ku haya xil wareejin lagu sameeyay qaar ka tirsan horjoogayaasha maleeshiyada ee gobolkaasi.



Horjoogayaasha xilka laga wareejiyay ayaa waxaa ka mid ah horjooge Dhaqane oo horay u ahaan jiray madaxa amniga ee gobolka Jubbada dhexe, Maxamed Khayr Cabdi oo horay u ahaan jiray madaxa dacwada iyo Sheekh Khadar Cusmaan Raas oo horay u ahaan jiray madaxa xiriirka hay’adaha ee gobolkaasi uu isagu diiday in uu xilka wareejiyo.

Sheekh Khadar ayaa sababta uu u diiday in uu xilkaasi wareejiyo ku sheegay in haddii xilka laga qaadayo lagu beddelo shakhsi ka soo jeeda beelaha daga gobolka Jubbada dhexe, haddii kale aanu xilkaasi ka degeyn.

Muranka arrimahaas ka dhashay ayaa la sheegayaa inuu khilaaf xoogan soo kala dhex geliyey maleeshiyada Al shabaab ee gobolka Jubbada dhexe.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in horjoogaha ugu sarreeya maleeshiyada Al shabaab ee Jubbooyinka Abuukar Cali Aadan iyo horjoogaal kale ay u dhaqaaqeen dhanka magaalada Bu’aale, si ay u xalliyaan muranka soo kala dhex galay maleeshiyadaasi.


Source: Bar Kulan












0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News