Contact Form

Name

Email *

Message *

Monday, January 31, 2011

Qasaaraha ka dhashay dagaalkii SSC iyo Somaliland oo sii kordhaya

January 31, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay dagaalkii SSC iyo Somaliland ku dhexmaray deegaanka Karshaale, iyadoo wali xiisad ay ka taagantahay halkaasi.


Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka Karshaale ayaa shagaya in xalay ilaa iyo saakay ay ku dagaalamayeen ciidamo ka kala tirsan Maamulada SSC iyo Somaliland ayaa sheegaya in qasaarihii ka dhashay dagaalkaasi uu sii kordhay.

Inta la’ogyahay dagaalkaasi ayaa waxaa ku geeriyooday 15-ruux, iyadoo tiro intaasi ka badana uu dhaawac kasoo gaaray, kuwaasi oo u badnaa dhinacyadii ku dagaalamay deegaanka Karshaale.

Deegaanka Kalshaale oo u dhow degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn ayaa wali waxaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay samaynayaan ciidamo kala taabacsan Maamulada SSC iyo Somaliland, iyadoo gurmed farabadan ay helayaan labadaasi dhinac.

Dagaalka dhexmaray SSC iyo Somaliland ayaa la sheegay in uu bilaawday kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland ay soo gaareen deegaanka Karsheele halkaasi oo uu Madaxweynaha Somaliland sheegay in fariisimo looga samaynayo cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland .


 
 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News