Sunday, January 2, 2011

Puntland oo eedeyn culus dusha uga tuurtay Somaliland

Maamulka Puntland oo uu dagaal gacan ka hadal ah kala dhaxeeyo maamulka Somalinad ayaa eedeymo u soo jeediyaya

Wasiir ku xigeenka wasaarada amniga maamulka Puntland, C/Jamaal Sh. Xasan ayaa si kulul u cambaareeyay maamulka Somaliland, wuxuuna sheegay inuu maamulkaas qeyb ka yahay falal amni darro oo ka dhaca deegaanada Puntland iyo meelo kale.

Maamulka Puntland ayaa dhawaanahay dagaalo wuxuu kula jiray ciidamo taabacsan wadaadka lagu magacaabo Sheekh Atom, waxaana Puntland ay sheegtay inay ka sifeysay ciidamadaas goobihii ay ka dagaalamayeen ee buuraleyda Galgala.

Wuxuu sheegay C/Jamaal Sh. Xasan inay galeen ciidamadii Sh. Atom oo magan galyo ay ka heleen Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Ma cada jawaabta uu ka bixi doono maamulka Somaliland eedeymaha ku aadan xasilooni darrida ee uga yimid maamulka Puntland.


Dalkayaga.com

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News