Thursday, January 13, 2011

Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo xukuntay nin u dhashay Jarmalka

Khamiis, 13 January 2011- Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa maanta xukun ku ridday Nin u dhashay dalka Jarmalka iyo gabadh Soomaaliyad ah oo u xidhnaa eedo la xidhiidha falal anshax-xumo ah oo ka dhan ah Diinta Islaamka ah.


Xukunkan oo maanta ka dhacay Xarunta Xabsiga wayn ee Mandheera ee Gobolka Saaxil, ayaa  lagu xukumay eedeysane Gunter Pischof Albert oo u dhashay dalka Jarmalka oo la sheegay inay ku caddaatay in uu ku kacay falal anshax-darro ah iyo baahinta sawirro qaawan oo ka hor-imanaya shareecada Islaamka iyo dhaqanka Suubban. 

Garsoore Cabdirashiid Maxamed Durraan oo ahaa garsooraha dacwaddan qaadayay, ayaa maxkamadda horteeda kaga dhawaaqay xukunka lagu riday ninka, waxaanu sheegay in ka dib markii ay Maxkamaddu aragtay caddaymo tiro badan iyo markhaatiyo ay go’aansatay in Mr. Guntar Bischoss lagu xukumo 4 sanno oo xadhig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan 10,000 oo Dollar-ka Maraykanka ah.


Dhinaca kale, intii lagu gudo-jiray dhegaysiga dacwaddan waxa uu Garsooruhu halkaa kaga dhawaaqay in gabadh Soomaali ah oo iyana ku eedaysnayd falalka ka dhanka ah Shareecadu, lagu xukumay hal sanno oo xadhig ah iyo 5-Milyan oo Somaliland Shilin ah ($800).

Dacwaddan oo muddooyinkii u dambeeyay ka socotay Maxkamadda Gobolka Hargeysa, isla markaana laba jeer ooh ore lagu dhegaystay Xabsiga mandheera oo ay ku xidhnaayeen eedaysanayaashu, ayaa ka dambaysa ka dib markii ay sanadkii hore dabayaaqadiisii Ciidamada ammaanku gacanta ku dhigeen ninka Jarmalka u dhashay oo in muddo ah deganaa Somaliland, isla markaana hore u sheegtay in uu Muslim yahay, balse markii dambe qirtay in uu haysto diinta Kiristanka.

Source: HOL

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News