Monday, January 24, 2011

Kulankii Madaxwaynaha Degaanka Soomaalida Itoobiya uu la Yeeshay Jaaliyadda

Miniyaabolis Jan 24, 2011(WDN) - Shir si wayn loo sugayey oo madaxwaynaha Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Md. Cabdi Maxamuud Cumar uu kula kulmayey jaaliyadda Soomaalida ee ka soo jeedda Degaankaas ee ku dhaqan dalka Maraykanka ayaa ka dhacay shalay oo bishan Jan. ahayd 23, abaarro 5 tii galabnimo madal wayn oo ah kuwa lagu shiro oo ku taal faras magaalaha magaalada Miniyaabolis. Shirku waxa uu ku bilowday jawi aad u qurux badan oo ay ku dheehnayd farxad iyo soo dhaweyn.
 Wefdiga ka soo baqoolay Itoobiya ayaa waxa madaxweynaha ku weheliyay safarkiisa Md. Cabdifataax Sheekh Cabdullahi (wasiirka shaqada & arrimaha bulshada ee dawaldda Federalka Itoobiya), wasiir ku xigeenka maaliyadda & horumarinta dhaqaalaha (dawladda Deegaanka) iyo Md. Khadar Cabdi Ismaaciil oo ah afhayeenka barlamaanka dawladda Deegaanka. Shirkani wuxuu ahaa mid ay Soomaali u dhammeyd.



Jawiga shirku u dhacay waxa uu ahaa mid guud ahaan aad u wanaagsan, marka laga reebo hal qof oo ka tirsanaa ka qaybgalayaashii shirka oo la tiigsaday feedh uu rabay in ku dhufto madaxweynaha markii uu soo galayay shirka ee uu dadka soo dhexmaray. Hase yeeshee dadkii ku gadaannaa madaxweynaha oo ay ugu horeyeen ciidamada nabadgelyadu ayaa dhex galay, oo qofkii feedhka damacsanaa qabtay oo gacanta ku dhigay. Arrinkan ayaa bilowgii shirka waxogaa khalkhal ah yara galiyay jawiga madasha, inkasta oo markii dambe xaaladda la dejiyay.




Ka dib furitaankii shirka waxa madasha khudbad ka jeediyay madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar. Madaxwaynahu waxa uu salaanta islaamka ka dib aad ugu mahad naqey dadwaynihii Soomaaliyeed ee shirka isugu yimid, waxaanu sheegey in aanu marnaba illaaweyn sida quruxda badan ee loogu soo dhaweeyey dalkan Mareykanka. Waxa uu yidhi “ waan ogsoonahay in aad naf, maal, iyo wakhtiba aad u hureysaan horumarka waddankiina iyo sidii nabad looga dhalin lahaa”. Madaxweynuhu wuxuu sheegey in uu ka yimid meel aad u dheer oo ah waddanka Itoobiya si uu ula tashado walaalihiisa Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddankan Mareykanka. Taas oo uu madaxwaynuhu ku muteystey sacab aad u badan oo kala joogsan waayey.Wuxuu yidhi “ Ummad yahay waxaad tihiin hantidii waddanka sugayey si aad horumar u gaadhsiisaan, waddanna hantidiisa kama maarmo ee ogaada taas waananu idiin baahanahay”. Md. Cabdi isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu xubnihii jaaliyadda ee goobta isugu yimi u sheegay in haddii ay khaldan yihiin la saxo oo wadad hadal wax lagu toosiyo. Waxa uu intaas ku daray in haddii jaaliyadda la soo gaadhsiin jiray warar laga sheego maamulka Deegaanka, in caawa ay wada joogaan, wixii xal baahanna ay fursad u haystaan in la soo bandhigo.

Waxa kale oo uu Md. Cabdi Cumar aad ugu dheraadey nabadeynta iyo sida ay muhiim u tahay in laga wada qeyb qaato gudo iyo dibadba. Madaxwaynuhu waxa uu ugu horrayn si faahfaahsan uga hadley dhulka Soomaalida ee ka tirsan Itoobiya baaxaddiisa, horumarka ka socda iyo sida wax badan oo kale ugu dhiman yihiin. Waxa uu sheegay in nabad ku wada noolaanshaha shucuubta Itoobiya ay tahay wax mihiim ah.

Md. Cabdi Cumar waxa khudbadda uu madasha ka jeediyay uu ku sheegay in uu yahay nin nabadeed, rabana in uu badbaadiyo dadkiisa. Waxa uu ku dooday in isagu uu yahay qofka u hawl galay badbaadinta qabiilka Ogaadeen oo uu ku tilmaamay mid aad ugu dhammaadey dagaalada ay kula jiraan dawladda Itoobiya mudada aadka u dheer.. Wax hadaladiisa ka mid ahaa “bal horta labaatankii sano ee dagaalku socdey maxaa laga faa’iidey oo u soo kordhey umaddan aynu ka soo jeedno ee Ogaaden marka laga reebo burbur iyo colaad?” Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu madaxwaynuhu damcey in uu maahmaah Soomaaliyeed u sheego dadwaynaha, taas oo u dhakhso u heli waayey oo aad loogu qosley markii uu yidhi horta maxay aheyd waa la igaga fiican yahay xagga maahmaaha e. Waxay ahayd maahmaahdu “ Rida iyo waxartu wadka way u siman yihiin lakiin xadhigaa dheeri ah”. Wuxuu yidhi “horta dabaqoodhi waa ninka dadkiisa laaya iyaga oo aan waxba ka galabsan. Waar anigu waxaan ahey nin nabadeed ee bal horta taas ogaada. Waxa kale oo uu madaxweynuhu ka dhawaajiyey in uu madaxwayne u yahey ummadda Soomaaliyeed oo dhan, waxaanu dadweynaha ka codsaday in ay nabadda kala shaqeeyaan. Hadalkaas oo aad loogu sacabiyey.

Gabagabadii khudbadda waxa uu madaxwaynuhu waxa kaga taabtay horumarka iyo nabadeynta shacabka Soomaaliyeed ee Degaanka Soomaalida Itoobiya ay ku talaabsadeen muddooyinkan danbe iyo waxa ay higsanayaan mustaqbalka dhow.

Madaxdii kale ee madasha ka hadashay waxa ka mid ahaa wasiirka shaqada ee dawladda Itoobiya Md. Cabdifataax Sh. Cabdullaahi oo ka warramay heshiisyadii dhex maray dawladda Itoobiya iyo jabahadaha UWSLF iyo ONLF garabka Macow.


Gabagabadii shirka mar aan wax ka waydiiyey qaar ka mid ah dadwaynihii ka soo qayb galey sida uu shirku ugu muuqaday, waxa ay ii shegeen in ay kulankani uu ahaa mid loo baahnaa wakhtigan xaadirka ah. Dadkii aan kula kulmay madasha shirka ee aan su’aalaha waydiiyey waxa ka mid ahaa ahaa Sheekh Maxamuud Garaad Cusmaan Garaad Cali oo ii sheegey in shirka uu uga yimi magaalada Toronto iyo Shukri sheekh Muxumed Takhal oo isna ii sheegay in uu uga soo safray shirka goloka Mayn ( Maine) ee bariga Marayknaka. Labadan oday waxa ay asal ahaan ka soo kala jeedaan gobolada Jigjiga iyo Wardheer. Waxa Sheekh Maxamuud Garaad Cisman Garaad Cali ii sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu kulankan ka soo qayb galay, dhageysteyna hadalada Madaxweyne Cabdi Cumar oo uu sheegay in uu ka war bixiyay arrimo badan oo muhiim ah oo uu u baahnaa in uu wax ka ogaado, isaga oo dalka ka soo maqnaa muddo ka badan 33 sannadood. Waxa uu yidhi waxa aan madaxwaynaha ku adkaymayaa in uu ku dadaalo nabadeynta iyo cadaaladda. Taas oo uu ku tilmaamay in ay gun dhig u tahay horumarka”. Shukri Sheekh Muxumed Takhal ayaa isna ii sheegay in horumarka uu sheegay madaxweynuu aan la gaadhsiin gobolada iyo degmooyinka degaanka oo dhan. Waxa uu gaar ahaan tilmaamay gobolka Wardheer in degaamo badan oo ka tirsani aanay illaa maanta adeegyo muhiim ahi ka jirin sida dugsiyo, caafimaad shaqo, jidad, koronto iyo adeegyada kale ee dawladda looga baahan yahay. Waxa uu tusaale u soo qaatay degaanka Garloogube oo uu isagu ka soo jeedo in aanay adeegaydaas uu tilmaamay haba yaraatee ka jirin. Waxa kale oo uu xukuumadda Degaanka ku cannaantay in xataa goobo iyo degaamo ku yaalla duleedka magaalada xarunta ah ee Jigjiga aan xataa la gaadhsiin adeegyadaas iskaba daa Wardheer e. Waxaan isna halkaas ku wareystey wiil da’yar oo ii sheegey in aanu waxba ka aqoon waddankii hooyo laakiin uu aad ugu faraxsan yahay imaatinka shirka.



Markii aan bannaanka aan u soo baxay waxaan iyana la kulmay taageerayaasha ururka ONLF ee ka soo horjeeda imaatinka wafdiga ee gobolkan. Dadkaasi oo bannaanka hotelka shirka lagu qabtey hor tubnaa, iyaga oo watay boodhad ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin gana soo horjeedaan imaatinka wafdiga uu horkacayay Cabdi Cumar ee Maraykanka. Waxa ay dadkaasi bannaanbaxayay u adkeysteen saacado badan oo ay taagnayeen dhaxanta ka dhaceysay Miniyaabolis xilligaas oo ahayd mid aad u ba’an. Waxaan isku dayey in aan wax ka ogaado fikirkooda waxaanan la kulmey dhowr haween ah oo ku hormudaharaadaya hotelka. Amina Xuseen oo ah gabadh wax ka barata jaamacadda minisoota ayaa waxa ay ii sheegtey in ay aad uga xun tahay in maanta halkan lagu soo dhaweeyo madaxdii Itoobiya oo ah kuwo ku tuntay xuquuqdii dadwaynaha Ogaadeeniya. Waxa ay intaa ku dartay: “Ummadda Ogaadeeniya marna ma quusaneyso illaa ay gadhaan waxa ay higsanayaan oo ah xorriyad buuxda”.

Shirka oo dad badani sugayeen in ay fursad u helaan su’aalo ay weydiiyaan wafdiga Cabdi Cumar, ayaanay u suurta gelin, iyada oo inta badan wakhtiga ay qateen hadaladii ay xubnaha wafdigu ay halkaa ka soo jeediyeen oo runtii ahaa kuwo aad u dheeraa. Inkasta oo uu sheegay madaxwenuhu in uu safarkiisu ku salaysan yahay wada tashi, haddana waxa ay u muuqatay in xubnaha wafdigu jeclaayeen in iyaga oo keliya malaha la dhageysto.

Waxase mudan in la xuso in madaweynuhu ku ballan qaaday in uu dhammaan la kulmi doono beelaha Soomaaliyeed ee ka soo jeeda degaanka Soomaalidaa, isla markaana uu wadi tashi la yeelan doono. Arrintaas oo aan ogaan doono mustqabalka dhaw in uu ka dhabeeyo iyo in kale.


Source: Wardheernews


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News