Friday, January 28, 2011

Kulankii Beelaha Soomaaliyeed iyo Madaxwaynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee ka dhacay Gobolka Minnesota



Madaxwaynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya  Md.Cabdi  Maxamuud  Cumar,  ayaa  waxa  uu bar yahanba uu booqasho ku joogey magaalada Miniyaabolis ee gobolka Minisota ee cariga
Mareykanka. Madaxweynaha oo halkan u yimid wadatashi  iyo sii xoojinta nabadeynta ka socota gobolka, ayaa wuxuu si gooni gooni ah u qaabiley shacbi waynaha Soomaalida Itoobiya. Waxa uu ugu horeynba ka bilaabey in uu la kulmo wax garadka oo uu kala tashadey sida ugu haboon ee wax loogu qaban karo umada ay ka soo jedaan, islamarkaana horumar iyo nabad loo gaadhsiin lahaa.
Md. Cabdi wuxuu kaloo la kulmey tageerayaasha ururadii dhawaanta heshiiska nabadeed la qaatey dawlada Itoobiya sida UWSLF iyo ONLF garabka Eng. Macaw oo sida ay wararku sheegayaan ay wax yaalo badan kawada hadleen intii badneydna la isla afgartey wixii dhimana lagu heshiiyey in dib la isugu soo noqdo. Mar aan la sheekeystey ka qayb galayaashii shirarkaas waxay aad ugu riyaaqsanayeen sida uu madaxwaynuhu uga dhageystey fikirkooda uuna u balan qaadey in wixii qaldan loo sixi lahaa. Shirarkan oo ahaa mararka qaarkoood kuwo wakhti badan qaatey, ayaa dhinacyadii kulmay ay ahaayeen kuwo ku faraxsanaa kulamadaasi. Markii madaxwaynuhu ka soo dhamaadey Ururadii siyaasiga ahaa, ayuu wuxuu u soo dhaadhacey in uu bulshada inteeda kalena la kulmo.

Md. Cabdi  wuxuu kaloo beel beel ula kulmey dhamaan qabiillada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda degaanka Soomaalida Itoobia. Mar aan u kuur galey bal sida ay u arkaan wadatashiyada  uu madaxwaynuhu la yeeshey. Jawaabahoodu waxay ahaayeem kuwo isku jira oo aad ka dheehan karto in madashu ay aheyd goob wax badan la isku waydaarsadey. Qabiilooyinka qaar aad ayay uga mahad sheeganayeen sida loo soo dhaweeyey ama uu madaxwaynuhu u qaabiley .
Haddaba waxaa ka mid ahaa beelihii  la kulmey madaxwaynaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya beesha Geri koombe oo uu hogaaminaayey Sheekh Maxamuud Garaad Cismaan iyo Shukri Sheekh M. Takhal. Kulankaasi oo dhacay habeenimadii Arbacadda ee bishan Jan ay ku beegneyd 26 ka. Mar aan wax ka waydiiyey Naasir Axmed sheekh Xuseen iyo Khadra Cali Xaydar oo ka mid ahaa mudanayaashii iyo marwooyooyinkii ka socdey beesha Geri Koombe, waxay ii shegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin kulanka ay la qaateen madaxweynah iyagoo si wacan ula gorfeeyay xoojinta dadaalada nabadda  deegaanka Soomaalida iyo kordhinta mashaariicda horumarka ismarkaana u gudbiyay madaxweyna qoraal ka socda beesha.


Madaxwaynaha iyo beesha Geri ayaa kulankoodu wuxuu ku dhamaaday casuumad uu madaxwayne Cabdi Maxamud Omar u fidiyey beesha inay ku booqdaan DDS, si ay qayb uga qaataan danaha shacbiweyanaha Soomaalida Itoobiya ee ku aadan horumarka iyo nabadeynta.
Beelaha kale ee uu la kumay madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar waxaa ka mid ahaa beesha Dhulbahante oo uu horkacayo Garaad Jaaamac Garaad Ismaaciil, Garaadka oo ka hadlay sidii loo xoojin lahaa nabada iyo wada tashiga, ayaaa Garaadku waxa uu u gubiyay Md. Cabdi qoraal ka socda beesha Dhulbahante, qaraalkaas oo ka kooban todobo qodob, waxa aad ka akhrin kartaa http://rajotv.net/ssc/FinalDocumentofDDS100.pdf .

Source: Wardheernews

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News