Saturday, January 29, 2011

Kulan Qarsoodi ah oo dhexmaray Shariif Xasan iyo Cali Geedi Maxay Kawada Hadlayn (Top News)

Kulan aan la shaacin ayaa waxa dhexmarayo Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan iyo Ra’isal wasaarihii hore Xildhibaan Cali Maxamed Geedi kaas oo ka dhacay Magalada Nairobi ee Wadanka Kenya.



Shariif Xasan iyo Cali Geedi ayaa la sheegay iney ka wada hadleen arimo ku aadan isbadalka siyasadeed ee la flayo inuu ka dhacayo Soomaaliya, marka dowlada federalka KMG uu waqtiga ka dhamaado August-da soo socoto.

Labada masuul oo in muddo ah kulmin, kana dhexeeyay khilaaf balaaran oo ka bilwoday markii gudoomiyanimadda Baarlamaanka laga qaaday Shariif Xasan dowladii uu Ra;usal wasaaraha ka ahaa Cali Geedi, waxa iminka u egtahay iney iminka heshiis noqonayaan.

Cali Geedi ayaa la sheegay inuu isku taagayo xilka madaxtinimadda Soomaaliya, taas oo la sheegay inu udhawaan shaacin doono, waxana uu mudooyinkii ugu danbeyay uu kulamo la yelanayay xildhibaano ka tirsan dowlada iyo siyaasiyin kale o doonayo inuu taagero ka helo.

Shariif Xasan ayaa noqon kara shaqsi muhiim u noqon kara hamiga Cali Geedi eek u raadinayo xilka, waxase ay caro ku abuuri donta madaxweynaha dowlada federalka Shariif Xasan oo jeclaysan doonin saaxiibtinimada labadan siyaasi.

Diyaar garow ayaa jiro oo siyaasiyiin faro badan ku doonayaan iney ku baadi goobaan xilka madaxtinimadda Soomaaliya, kaas oo bilowday xili ay muddo 8-bilood u dhiman tahay dowlada hadda jirta.
Source: Daynile
Dalkayaga@gmail.com


0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News