Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, January 7, 2011

Kala qeybsanaanta Shabaab iyo Qadiyada ay isku hayaan!

Kooxda 1-aad:- waa koox u badan reer Waqooyi iyo koox si qabyaaladaysan hawsha ula wadda, waxaa ka mid ah Hogaamiyaha Shabaab Ahmed Godane, Ibraahin Afgaan, Faruur oo la baxay Aala Maxamed, Iskudhuuq, Mahad Gudoomiyaha Bay iyo Bakool, Cabdulle Gaab oo ah Gudoomiya ku xigeenka Bay iyo Bakool.
Ahmed Godane












Kooxdaani waxaa si toos ah u hoos taga Talisyada Ciidamada Milateriga, Amniyaadka , Xisbada Shabaab iyo qeybta Maaliyada Guud ee shabaab.

Kooxdani ma ogola in la dhiso Dawlad Islaami ah, hadiiba ay noqato in la dhiso waa inay iyagu madax ka noqdaan amniga, dhaqaalaha iyo Madaxweynaha Dawladaas islaamiga ah, hadii aysan hubin in ay intaas gacanta ugu jirina ma ogolaanayaan in shabaab laga gudbo.

Shuruudaha ay inta badan ku diidayaan oo ay isticmaalayaana waa in aan dawlad islaami ah aan dalka laga dhisi karin hadda,ilaa inta laga bixinayo Dalka Ciidamada AMISOM, lana baabi'inayo magaca dawlada Soomaaliya, taas oo ah arin aan sahlanayn sida hadda muuqata, iyo in aysan aaminsanayn magac Soomaaliyeed ee hadiiba wax la dhisayo ay noqoto Imaarada Islaamiga ee Bariga Afrika.

Kadib Geeridii Aaden Xaashi Ceyrow kooxdaani waxey si farsmaysan u qabsadeen dadkii ay koofurta ugu yimaadeen, waxey sameeyaan dilal qorsheysan oo lagu argagixinayo dhaman umada Soomaaliyeed iyo ciidanka iyo saraakiisha kale ee Shabaab.

Kooxdaani waxay markasta isticmaashaa saraakiisha yaryarka ah ee ku haybta ah saraakiisha reer koofureedka ah ee magaca leh. Saraakiisha reer koofureedka ay isticmaalaan waxaa ka mid ah Farxaan, Saacid, Mahad Karatee, Baarbe, Xasan Afrax, Dulyadeyn,Xuseen Fiidow.

Awooda kooxdaani Shabaab ku maamulaan waa madaxda kooxda aminyaadka iyo dhaqaalaha ee dhaman gobolada Shabaab. Gobol kasta oo ka mid ah Gobolada shabaabku maamulaan waxaa u jooga Nin qaabilsan Amniyaadka Gobolka, Ninkaas ayaa maamula Gobol kasta, Madaxa amniyaadka gobolka waxuu toos u hoos tagaa Ina Godane. Ninkii Maamulka gobolada ah ee ay is qabtaana xilka ayaa laga tuuraa.

Kooxdaani waxay qorshaynaysaa inay ka taqalusaan kooxda 2-aad oo ay u arkaan qatar ku soo fool leh.

Madaxda Kooxdaani dagaalada magalaan, saraakiisha ay uga shakiyaan inay mustaqbalka dhib ku keeni karaana waxay u diraan furumaha dagaalada si ay isku dhaafiyaan.

Kooxda 2-aad:- waxey ka kooban yihiin reer Koofureed waxaana ka mid ah Muqtaar Roobow, Xasan Daahir, Cali dheere, Fu'aad Soongale, Hassan Yacquub, Xasan Turki, Abuu Muslim,Timo jilic,Khaliif Cadale,Cabduqadir Kumaandoos.
Fuad Shango
Mushtar Rooboow
Hasan Turki



Hasan D Aways






Cali Dheere



Qeybtaani waa kooxda ay ku dhisan tahay awooda ciidan ee ugu badan shabaab, waxaan gacantooda ku jirin Dhaqaalaha, Talada iyo amniyaadka, waxay galaangal xoogan ku leeyihiin ciidanka.

Waxay jeclaan lahaayeen in mar uun Dawlad Islaami ah la dhiso si awooda gacanta ugu jirta kooxda 1-aad ay wadaag u noqon lahayd, kooxdaani waa ka halis badan yihiin kooxda 1-aad, waa koox galaangal xoogan ku leh shacabka koofurta oo iyaga oo iska dhigaya dad dabacsan haddana fulinaya siyaasada Alqaacida,
Kooxdaani hadda taageerayaal badan ayay leeyihiin inkastoo taageerayaashoodu ay baqaan, kooxdaani waa koox aaminsan in ay shabaab u soo halgameen laakiin taladii, amnigii iyo dhaqaalihii ay gacanta u galeen niman kasoo jeeda hal qabiil.

Waxay aaminsan yihiin sida kaliya ee cadaaladi ku imaan karto inay tahay in la dhiso Dawlad Islaami ah oo loo wada dhan yahay, lagana qeyb geliyo dad fara badan.

Saraakiisha kooxda 2-aad dagaalada waa galaan inkasta oo bilihii la soo dhaafay ay fahmen taatikada kooxda 1-aad oo ah in dagaalka la abaabulo laakiin aan furinta la tegin maadaama lagu dhimanayo.

Waxaa la sugaa waxay labada koox mida u harta talada Koofurta Somalia maadama ay hada awooda iyo talada ku jirto kooxda 1-aad.

WCM.

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News