Friday, January 28, 2011

Golaha Wasiirada PL oo isku shaandhayn lagu sameeyey

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamud ayaa maanta wareegto kasoo baxdey xafiiskiiisa isku shaandheyn ku sameeyey qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada ee Dowlada Puntland.
Afar Wasiiro iyo hal Wasiir ku xigeen baa xilka laga qaaday.
Agaasime-xigeenka Guud ee Madaxtooyadda Puntland Md. Axmed Caydiid Cismaan ayaa akhriyay D ikreetada laga soo saarey xafiiska Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa u qorneyd sidan:

Xeer Madaxweyne Lambar 17, taariikhduna tahay 28.1.2011 kuna saabsan isku shaandheyn Golaha Wasiirada Puntland:

Madaxweynaha Dowladda Puntland:
Markuu arkey Dastuurka Dowlada Puntland,
Markuu la tashaday M/weyne ku xigeenka Dowlada Puntland,
Markuu texgeliyay baahida loo qabo in isku shaandheyn lagu sameeyo,
Golaha Xukuumada Puntland si kor loogu qaado shaqada tayada iyo waxtarka Wasaaradaha,

Waxa uu xeeriyay Madaxweynuhu Magacaabida Xilalkan:
1. C/wali Xirsi Cabdule --- Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada & Sportiga
2. Axmed Cali Askar --- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta Hidaha iyo Dhaqanka
3. Eng. Maxamuud Xaaji Saalax --- Wasiirka Wasaarada Beeraha & Waraabka
4. Axmed Cali Gamuute --- Wasiirka Waraada Duulista Hawada & Garoomada

Wasiir-xigeeno:
1. Maxamuud Maxamed Idiris --- Wasiir  ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada
2. Faarax Siad Cilmi --- Wasiir ku xigeenka kaliya ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada
3. Burhaan Cilmi Xirsi --- Wasiir ku xigeenka Wasaarada Degaanka
4. Cismaan Cawad Cali --- Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada Shaqaalaha Sportiga & Dhalin-yarada
5. Axmad Cigaal Cawaale --- Wasiir ku xigeenka Beeraha iyo Waraabka
6. Faarax Cali Cabdi --- Wasiir ku xigeenka Howlaha Guud & Gaadiidka

Xeerkani waxa uu dhaqan galayaa Markuu Madaxweynuhu saxiixo

Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed
Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Somaliya.


Source: Garowe Online

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News