Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, January 12, 2011

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Oo Lagusoo Dhoweeyey Magaalada San Jose, California-(Sawiro)-


Chief Caaqil-ka Qurbojoogta SSC, Maxamud Hadhiye  iyo Garaad Jamac
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa habaynimadii xalay oo ay taariikhdu ahay January 11, 2011 kasoo gagida diyaaraha ee magaalda San Jose ee gobolka California.

Chief Caaqil Maxamud Hadhiye iyo Garaad Jaamac


Garaadka waxaa halkaa kusoo dhaweeyey jaaliyadda SSC oo aan u kala hadhin. Maxamud Maxamed Jaamac oo loo yaqaan Maxamuud Hadhiye oo isla markaana ah Chief Caaqilka qurbejoogta SSC  ayaa ka mid ahaa cuqaashii sida wayn usoo dhaweeyey Garaadka iyo waftigiisa.

Mar aan khadka telefoonka kula xidhiidhnay Chief Caaqil Maxamud Hadhiye ayuu noo sheegay in beelwaynta ku abtirsata SSC ay aad ugu faraxsan yihiin inuu soo ziyaarto Garaad Jaamac Garaad Ismaciil. Chief Caaqilka ayaa sheegay inu xiriir qotodheer la lahaa alle ha u naxariistee Garaad Ismaciil, sidaa daraadeedna uu si wanaagsan ula shaqayn doono Garaad Jaamac, iyo dhamaan isiamada beelaha SSC oo dhan.
Chief Caaqil Maxamud Hadhiye oo walfinaya calanka Maraykanka iyo Garaad Jaamac


Bookmark and Share

    Garaadka ayaa kasoo ambabaxay magaalada Seattle oouu maalmahan booqasho ku joogay. 








    0 comments:

    Post a Comment

    Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

    Dalkayaga News