Contact Form

Name

Email *

Message *

Friday, January 7, 2011

Galmudug oo ciidamadeeda ka saareysa Gaalkacyo

Maamulka Galmudug ayaa billaabay inuu ciidamadiisa ka saaro gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo isugu geynaya duleedka magaalada, ciidamadaasi oo isugu jira maleeshiyo beeleedyo iyo ciidamada maamulka.


Ciidamadaasi ayaa la isugu geynayaa xerooyin maamulku uu ku diyaariyay duleedka magaalada Gaalkacyo, waxaana halkaasi lagu siin doonaa tababarro ciidan, si ay wax uga qabtaan ammaanka deegaannada hoos yimaada maamulka Galmudug, sida uu sheegay Axmed Maxamed Xaashi oo ah wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee maamul goboleedka Galmudug.

Qeybo ka tirsan bulshada ku nool deegaannadaasi ayaa sheegay in tallaabadani ay wax weyn ka tari karto ammaanka magaalada Gaalkacyo, iyagoo soo dhaweeyay arrintan ciidamada looga saarayo gudaha magaalada ee uu ku dhaqaaqay maamulka Galmudug.

Maamulka ayaa sheegay inay tani qeyb ka tahay qorshayaal badan oo ay ku doonayaan inay ku sugaan ammaanka deegaannada ay gacanta ku hayaan.



Source: Barkulan

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News