Contact Form

Name

Email *

Message *

Wednesday, January 19, 2011

Faroole: “Farmaajo waxa uu inooga daba hadlo ma muuqato”

January 19, 2011 Dalkayaga@gmail.com


Farmaajo                            Faroole
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole ayaa ka jawaabay hadal shalay uu bixiyay Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo sheegay in uu yahay qof meesha la keensaday sida uu hadalka u dhigay.


C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole oo maanta safar u aaday Magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa xili uu warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe waxaa uu ka hadlay hadal shalay uu BBC-da siiyay R/wasaaraha dowladda KMG oo ku aadanaa arigtidiisa go’aankii Puntland ay xariirka ugu jireen dowladda KMG Soomaaliya.

Madaxweyne Faroole ayaa ugu horeyn difaacay go’aanka Puntland ay kalsoonida ugala laabatay dowladda KMG Soomaaliya, waxaana uu xusay in hadalka R/wasaaraha ee ahaa in Soomaaliya oo dhan ay wakiil ka tahay dowladda KMG Soomaaliya uu yahay mid uusan ka fiirsan, isagoo xusay in Puntland ay go’aankeeda leedahay.

Mr Faroole ayaa hadalo qalafsan ku weeraray R/wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya, waxaana uu yiri “ ninkaasi waa nin meesha la keensaday, ma naqaan waxaa uu inooga dabahadlay, balse waxaan leenahay xeradaada ku ekoow”

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ayaa ka hadlay safarkiisa ku aadan Jabuuti, isagoo tilmaamay in halkaasi uu kula soo kulmi doono madaxda urur goboleedka IGAD, masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay oo uu ka mid yahay Ergayga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga iyo wadamada deeqda bixia ee daneeya arimaha Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa ku wehliyay Wasiiro ka tirsan Maamul goboleedka Puntland, waxana la filayaa in kulanka ay Jabuuti ku soo qaadanayaan looga hadlo go’aanka ay xariirka ugu jireen dowladda KMG Soomaaliya
 
 
 


 

0 comments:

Post a Comment

Fadlan Aragtidaada Halkan ku Qor

Dalkayaga News